Faysal Cali Waraabe oo si kulul kaga hadlay booqashada Farmaajo ee Hargeysa

0
Sunday February 16, 2020 - 22:26:07 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe oo si kulul kaga hadlay booqashada Farmaajo ee Hargeysa

    Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbigada UCID ayaa codkiisa ku biiriyay Siyaasiyiinta Somaliland, ee ka biyo diidan booqashada Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Magaalada Hargeysa. Dadka ayaa waxay isla dhex marayan warar sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbigada UCID ayaa codkiisa ku biiriyay Siyaasiyiinta Somaliland, ee ka biyo diidan booqashada Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Magaalada Hargeysa. Dadka ayaa waxay isla dhex marayan warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliya, oo uu la socdo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ay dhawaan booqasho ku taggi doonaan Magaalada Hargeysa. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ayaa sheegay inay arrintani soo bilaabay xilli hore, ka dib markii uu shir isugu yeeray Madadxweynaha Somaliland, markii uu Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya soo weydiistay booqashada isaga iyo Farmaajo ee Magaalada Hargeysa. "Horta arrintani mar hore ayay timid oo maalin Madaxweynuhu inoo yeeray, waxa uu yiri waxaa ila soo hadlay Ra'iisal Wasaarihii Itoobiya oo yiri waxaan jeclahay inaan nimaano Magaalada Hargeysa aniga iyo Farmaajo. In waxaa noola yimaadaa horta meesha ma qabato, Farmaajo wuxuu ka soo dooni karaa Somaliland ma jirto." Ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID. Gudoomiyaha oo la hadlay VOA ayaa yiri "Madaxweynuhu inuu noo keennaa ra'yigaa ma ahayn, inuu isagu markaaba daafacee ahayd inuu anaga na dhex keeno ma ahayn, maantana inay soo noqoto maba ahayn. Inuu aayar diyaarad iska raaco oo la yiraahdo roog-cas baa laguu dhigay, Farmaajo afka looga soo geliyay, waxaan u aragnaa inay tahay wax aan shacbiga reer Somaliland, Axsaabta Mucaaradka iyo Kulmiye xitaa waxay la qabaan maaha. Waa arrin uu keligii doortay, deelqaafna way ku tahay dalkayaga in la yiraa Farmaajaa imanaya." Mar la weydiiyay waxa ku jaban in Madaxweyne Farmaajo uu yimaado Magaalada Hargeysa ayuu sheegay inaanu jirin wax heshiis ah, oo horey u dhex maray labada dhinac. "Anaga dee heshiis ma nihin Dowladda Somaliya, ma laba wadan oo col ah oo weli heshiinin? iska daa isagoo, Xildhibaanadiisa iyo wax xil ka haaya meeshaasi dalkayaga ma imaan karaan. Isagoo cadow ah oo wixii Maxamed Siyaad Barre aan xabadda siyaasadda kaga aadnaana dalkayaga imaan maayo." Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Faysal Cali Waraabe oo ku sugan dalka Emirate-ka Carabta ayaa xusay inay arrintan noqon doonto mid lagula xisaabtamo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, maalinta Khamiistana ay shir deg deg ah ka yeelan doonaan. "Arrintani Muuse Biixi waxay ku noqonaysaa arrin lagala xisaabtamo oo shacbiga reer Somaliland kala xisaabtamo, hadduu dalkii halkaa marinayo oo na haweysanayo na yiraa waxaa dalka imanaya Farmaajo, arrintaas shacbiga reer Somaliland Khamiistaa ku noqonaya Insha'Allah, shir deg degaa oo qaranaa ka gelaynaa arrintaasu." Ayuu yiri Waraabe. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta sheegay in Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, uu Somaliland ku cadaadinayo booqasho ay isaga iyo Farmaajo ku yimaadaan Magaalada Hargeysa. Madaxtooyada Somaliland ayaan weli rasmi ah ka soo saarin warka ku aadan booqashada Farmaajo ee Xarunta Somaliland, balse waxaa la fillaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu ka hadlo maalmaha ina soo aadan, oo lagu wado inuu khudbad u jeediyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland.

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip