Somaliland"Booqashada Farmaajo ee Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed"

0
Sunday February 16, 2020 - 22:21:35 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland"Booqashada Farmaajo ee Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed"

    Liibaan Yuusuf Cusmaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay Wararka ku aadan in Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono Magaalada Hargeysa. Waxaa uu sheegay in Wararkaasi ay yihiin been abuur, islamarkaana Madaxweyne F

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liibaan Yuusuf Cusmaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay Wararka ku aadan in Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono Magaalada Hargeysa. Waxaa uu sheegay in Wararkaasi ay yihiin been abuur, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo uusan imaan doonin Hargeysa. "Booqashada Farmaajo ee Magaaladda Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed & Howl aan macquul aheyn !!. Go'aanka dowladnimo ee SL wuxuu u taagan yahay ilaalinta jiritaankiisa iyo degenaanshaha " ayuu yiri Liibaan Yuusuf Cusmaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland. Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga soo horjeestay Warar sheegayay saacaddihii lasoo dhaafay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tagaayo Magaalada Hargeysa. Waxaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip