Dowladda Sri Lanka oo lacag ku taageeraysa qorshaha deyn cafinta Soomaaliya

0
Saturday February 15, 2020 - 21:18:26 in Wararka by
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sri Lanka oo lacag ku taageeraysa qorshaha deyn cafinta Soomaaliya

    Dowladda Sri Lanka ayaa ku dhawaaqday in ay biirin doonto Rs. 163 milyan oo lacagtaasi dalkaasi ah oo loogu talagalay xirmada maaliyadeed ee Hay'adda Lacagta Adduunka oo lagu oggolaaday deyn Cafinta Soomaaliya. Hay'adda lacagta adduunka e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sri Lanka ayaa ku dhawaaqday in ay biirin doonto Rs. 163 milyan oo lacagtaasi dalkaasi ah oo loogu talagalay xirmada maaliyadeed ee Hay'adda Lacagta Adduunka oo lagu oggolaaday deyn Cafinta Soomaaliya. Hay'adda lacagta adduunka ee IMF bishii Diseembar 2019 waxay ansixisay qorshe maaliyadeed oo IMF ka caawin doona inay daboosho qaybteeda ka bixinta deynta Soomaaliya. Qaabka culeyska miisaaniyadda ee Hay'adda Lacagta Adduunka waa siyaasad ay ansixisay Guddiga Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) 1986 waxaana habkan loo qaatay inuu dib ugu soo celiyo khasaaraha dakhliga sababa la xiriira lacag la'aan xubnahu dartood sababo kala duwan awgood. Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan. Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda FS ee lagu hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey'adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip