Sanbaloolshe oo si wayn kaga digay qatarta dhaqaale Forex

0
Thursday February 13, 2020 - 22:36:29 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanbaloolshe oo si wayn kaga digay qatarta dhaqaale Forex

    Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad Suggida Somaliya Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa si wayn kaga digay qatarta dhaqaale ee shacabka Somaliyed ka soo food saari karta ka ganacsiga Suuqa Sarifka lacagaha Online-ka ee Forex. Sanbaloolshe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad Suggida Somaliya Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa si wayn kaga digay qatarta dhaqaale ee shacabka Somaliyed ka soo food saari karta ka ganacsiga Suuqa Sarifka lacagaha Online-ka ee Forex. Sanbaloolshe ayaa sheegay in Somaliya sarifkaan ay keeneen dad doonaya dano dhaqaale inay ka helaan Somaliya, islamarkaana uu yahay Mashruuc dabin ah oo la doonayo in lagu baabi,iyo dhaqaalaha Somaliya.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegay lacag laga soo qaaday dalka Qatar oo gaaraysa 10 Milyan in lagu bilaabay Suuqa Sarifka ee Forex ee Somaliya, qorshahaasina ay masuul ka yihiin madax ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Waxa uu shacabka Somaliyed kaga digay qatartaasi wayn ee dhaqaale ee suurogal noqon karto inay soo food saaraan shacabka Somaliyed, maadaama dhaqaalahooda ay wada galiyeen Forex, balse arrintaasi ay tahay qatar wayn.

"Runtii dadka beenta Forex loo sheego waa haweenka & dhalinyarada oo aan garaneyn habka Suuqa Sarifka Onlineka uu u shaqeeyo, kuwaasi oo loo sheegayo in lacago faaiido la siinaayo aniga waxaan aaminsanahay dowladda hadda jirta lug wayn ayeey ku leedahay arrintaasi.” Ayuu yiri Sanbaloolshe.

Culimadda Somaliya & qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa horay uga digay Suuqa sarifka Online-ka ee Forex oo waayahan dambe ku soo batay Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip