NISA oo sheegtay in uu is casilay Madaxii Amniyaatka Al-Shabab ee gobolka Banaadir

0
Thursday February 13, 2020 - 18:43:40 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo sheegtay in uu is casilay Madaxii Amniyaatka Al-Shabab ee gobolka Banaadir

    Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaalieed ayaa shaacisay in uu shaqada ka tegay isna casilay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaalieed ayaa shaacisay in uu shaqada ka tegay isna casilay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir.

Qoraal la soo dhigey barta Twitterka ee NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay sababta uu isku casilay Madaxa Amniyaatka Alshabaab ee gobolka Banaadir inuu salka ku hayo khilaaf soo kala dhex galay madaxda Al-Shabaab.

"Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Al-Shaabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin [Mucaawiye], oo 39-jir ah, oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay,” ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigey barta Twitterka.

NISA ayaa horaantii bishan baahisay in uu khilaaf ka dhex qarxay hoggaanka ururka Al-Shabaab taasoo eedeyn badan ay kala kulantay NISA warkaas ay shaacisay.

XIGASHO:-JOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip