Labadii Xiddig Ee Barcelona Ee Isku Dhex Dagaalay Tababarka Oo La Ogaaday, Iyo Messi Oo Ka Mid Ah.

0
Monday February 10, 2020 - 19:42:25 in Wararka by
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labadii Xiddig Ee Barcelona Ee Isku Dhex Dagaalay Tababarka Oo La Ogaaday, Iyo Messi Oo Ka Mid Ah.

    Waxa ugu dambayn la Kashifay xiddigaha Barcelona ee isku dhex dagaalay tababarka maalmo ka hor xilli ay Barcelona todobaadyadii ugu dambeeyay ku jirto muran badan. Tan ilaa markii shaqada laga caydhiyay tababare Ernesto Valverde laguna badalay tab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ugu dambayn la Kashifay xiddigaha Barcelona ee isku dhex dagaalay tababarka maalmo ka hor xilli ay Barcelona todobaadyadii ugu dambeeyay ku jirto muran badan. Tan ilaa markii shaqada laga caydhiyay tababare Ernesto Valverde laguna badalay tababare Quique Setién kooxda Barcelona ayaa ku dhex jirta muran badan iyo khilaaf badan. Wargayska El País ayaa shaaca ka qaaday in labadii xiddig ee Barcelona ahaa ee isku dhex dagaalay tababarka Barcelona Salaasadii la soo dhaafay kala ahaayeen xiddiga kooxda ugu muhiimsan ee Lionel Messi iyo Goolhayaha kooxda ee Marc-André ter Stegen kuwaas oo dirqi lagu kala qabtay tababarka kooxda intii lagu jira. Wargayska AS ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona oo uu ka mid yahay tababaraha kooxdu isku dayeen in ay saxaafada ka qariyaan magaca labada xiddig si ay uga hor tagaan dhibaato soo If Baxda waliba xasilooni la'aan ku rida kooxda. Laakiin wargayska El País ayaa haatan kashifay magacyada xiddigaha kadib markii uu ilo wareedyo kooxda ku dhaw ka helay magacyada xiddigaha isku dhacay intii uu socday tababarka kooxdu. Dhacdada ayaa dhacday Salaasadii hore kadib markii ay labada kooxood ee Marc-André ter Stegen isku dheceen waliba gacan isku qaadeen ka hor inta ayna labaa xiddigaha kooxdu soo kala dhex galin. Wargayska AS ayaa sheegaya in sababta ay labada xiddig isugu dheceen ka timid kubad garoonka tababarka dhex taalay kadib guuldaradii Barcelona ka soo gaadhay kooxda Valencia kulan ka tirsanaa horyaalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip