LA OGAADAY: Agaasimaha Borussia Dortmund Ee Michael Zorc Oo Xaqiijiyay Hal Arin Oo Ay Kooxdiisu Man United & Kooxaha Kale Ugu Garaacday Haaland.

0
Thursday February 06, 2020 - 20:35:10 in Wararka by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LA OGAADAY: Agaasimaha Borussia Dortmund Ee Michael Zorc Oo Xaqiijiyay Hal Arin Oo Ay Kooxdiisu Man United & Kooxaha Kale Ugu Garaacday Haaland.

    Agaasimaha kooxda Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa ugu danbayn faah faahin ka bixiyay qaabkii ay Manchester United iyo kooxaha waa wayn ee Yurub ugu garaaceen saxiixa xidiga layaabka xili ciyaareedkan Yurub ka samaynaya ee Erling Braut Haaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha kooxda Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa ugu danbayn faah faahin ka bixiyay qaabkii ay Manchester United iyo kooxaha waa wayn ee Yurub ugu garaaceen saxiixa xidiga layaabka xili ciyaareedkan Yurub ka samaynaya ee Erling Braut Haaland. Michael Zorc ayaa soo bandhigay qaabkii ay Haaland ugu qanciyeen hal muuqaal oo ay daawadsiiyeen waxaana la ogaaday in uu xataa tagay xarunta tababarka Manchester United balse uu ugu danbayn doortay Dortmund. Muuqaalka layaabka leh ee laga duubay jamaahiirta kooxda Borussia Dortmund ee loo yaqaan "Yellow Wall" ayaa sababta ugu wayn u noqday in Dortmund ay Man United iyo kooxihii kale ugu garaacday Haaland. Waraysi uu agaasimaha kooxda Borussia Dortmind ee Michael Zorc uu siiyay wargayska Bild ee dalka Jarmalka ka soo baxa ayuu ku cadeeyay in kooxo badan oo waa wayni ay si adag ugu dagaalamayeen saxiixa Haaland. Agaasimaha kooxdaha Dortmund ee Michael Zorc oo ka hadlaya qaabkii uu Haaland u jeclaystay markii muuqaalka darbiga hurdiga ah ee jamaahiirtoodu samayso daawaday ayaa yidhi: "Waxa uu isagu u muuqday in uu jeclaaday. Waxaa waajib nagu ahayd in aanu si sare u gaadhno si aanu Erling ula saxiixano, wax sir ah ma aha in koox caan ahi ay si adag ugu shaqaynayeen si ay isaga u helaan". Michael Zorc oo ka hadlaya sidii uu waqtigii ciid gaaleeda ula kulmay wakiilka Haaland ee Mino Raiola ayaa yidhi: " Waxaan ahaa sidii wiil yar oo kale. Isku darka tayadiisa dhamaystir, farsamadiisa fiican iyo xawaarihiisa ayaa Erling ka dhigay khaas. Wada hadalkayagii ugu horeeyay waxa uu jawigu markaasba ahaa mid fiican oo labada dhinacba dareemeen". "Erling iyo Borussia Dortmund boqolkiiba boqol way isku haboon yihiin. Waxa uu leeyahay shaqsiyad wayn oo ku haboon Borussia Dortmund, garoonkeeda iyo taageerayaasheeda" ayuu zorc hadalkiisa raaciyay.



Michael Zorc oo ka sii hadalaya sida ay kooxdiisa iyo Haaland iskugu haboon yihiin ayaa yidhi: "Taasi waa waxa qeexaya kooxdayada iyo waxa saxda ah ee uu Erling raadinayay. Jawiga noocan ah ayaa isaga dhiiro galiyay, garoonkana wuu ku dhex qarxay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa waajib nagu ah in aanu hubino in waxa laga filayaa aanu u sii kordhin si aan qiyaas lahayn”.

Inkasta oo agaasimaha kooxda Dortmund uu xaqiijiyay in muuqaalka jamaahiirta layaabka leh ee kooxdiisu uu saamayn ku yeeshay Haaland, haddana waxaa la ogaaday in da’yarkani uu booqday xarunta tababarka Man United balse ay Dortmund dagaalka si toos ah ugu guulaysatay.

Jamaahiirta Manchester United ayaa markii uu Marcus Rashford dhaawacmay ee uu Haaland qaab ciyaareedka layaabka leh kala soo muuqday Dortmund waxay baraha bulshada ku karbaasheen Ed Woodward oo dagaalka uu kaga guulaystay Michael Zorc.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip