HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 5-FEB-2020

0
Wednesday February 05, 2020 - 09:00:52 in Wararka by
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 5-FEB-2020

    D/F/Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan geliyo eedeysane C/rashid Janan. D/F/Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdir ashid Xasan Cabdinuur (Ja nan),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

D/F/Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan geliyo eedeysane C/rashid Janan. D/F/Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdir ashid Xasan Cabdinuur (Ja nan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda. D/F/Soomaal iya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay'adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERP OL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidoo kale, D/F/Soomaaliya waxa ay dhi ggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida. Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu wa xa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacw adaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaa siga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxs ad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah.

Wasiir Janan oo iskaga baxay Beled-Xaawo kadib waarankii DF

    Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa la sheegay in Shalay uu ka baxay M/Beled-Xaawo ee G/Gedo oo galinkii hore ee Shalay uu ka de gay, kadib markii uu ka soo duulay M/ Nay robi ee xarunta dalka Kenya.

      Dad ku sugan Beled-Xaawo ayaa noo sheegay in wasiir Cabdirashiid uu u baqoo lay dhanka M/Man dheera ee G/ Waqoo yi Bari dalka Kenya.

     Janan ayaa saac adihii uu joogay Bel ed-Xaawo waxa uu kulamo la yeeshay sara kiisha, ciidamada, maamulka degmada iyo bulshada ku nool Beled-Xaawo, inkastoo a an faahfaahino dheeraadka laga heyn waxa ay isla meel dhigeen, isaga iyo saraasha ciid amada iyo maamulka degmada oo uu la qa atay kulamo saacado socday, waxuuna mar kii ay u soo dhamaadeen kulamadaas iska ga baxay magaalada.

     Cabdirashiid Janan ayaa meel uu uga xi rnaa M/Muqdisho waxa uu ka baxsaday 28-kii bishii dhamaatay ee sanadkan, isagoo wi xii intaas ka dambeeyey isku maray magaa looyinka Kismaayo, Nayrobi iyo Beled-Xa awo oo Shalay uu ka sii baxay. Isniintii Dorraad ee 3-dii bishan hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa u gu baaqday dowladda Kenya inay qabato Cabdirashiid Janan, isla markaana ay u gac an galiso dawladda Soomaaliya si loo maxk amadeeyo, xilligaas oo uu ku sugnaa maga alada Nayrobi

 Iyadoo dowladda soomaaliyana waaran u jartay si loogu soo gacan geliyana ka dalbat ay dhigeeda dalka kenya

 Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka doo rashada Galmudug ka dhashay

     Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa bilaabay dadaallo lagu xali naayo Khilaafka ka dhex taagan maamulka Galmudug ee yeeshay Saddexda Madaxwe yne ee ku kula sugan Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

    Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ay aa la kulmay Madaxa Xukuumadda Galmud ug iyo Axmed Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug Garabka Gaalkacyo, waxaana ay ka codsadeen inay diyaar u noqdaan in la xaliyo Khilaafka. Xubno ka socda dhaqanka ayaa sidoo kale la kulmaya Madaxweynaha DGGM e dowladda aqoonsan tahay Axmed Cabdi Kaariye.

    M/Dhuusamareeb ayaa inta badan maan ta waxaa ka soo baxay Ergooyinkii maalmihii ugu dambeeyay u jooggay Dhismaha Galmu dug. War saxafadeed kasoo baxay Ururka Ahlusunna ee dhawaan u doortay Madaxwe ynaha Shaakir ayaa si weyn uga soo horje estay Doorashadii  lagu doortay Axmed Cab di Kaariye Qoor Qoor.

     Ahlusunna waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan qacinta bulshadda diidan Mad axweyne ay ku doorteen Dhuusamareeb, si doo kalena Afduub ayay ku tilmaameen door ashadii Qoor Qoor.

Abiy Axmed oo sheegay inay fashiliy een weerar Al-Shabaab qorsheeyeen

      R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah "ku wa Kenya”ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse laamaha amniga ayaa fashiliyeen

Abiy Axmed oo Dorraad hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhi baannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo la xiriiraa Amniga, Siyaasadda iyo doora shada dalkaasi ka dhici doonta sannadkan.

     R/wasaarahaAbiya oo la weydiiyay waxa ay dowladdiisa ka qabatay amniga ayaa tus aale ahaan u soo qaatay sida looga hortag ay weerarrada Al-Shabaab.Wuxuu yiri: "Haddii aan Al-shabaab tus aale u soo qaato, weerarro la mid ah kuwa ay kenya ka fuliyaan ayey damacsanaaye en,balse diyaargarow xooggan waxaa same eyey ciidamada deegaanka Soomaalida ee qalabka sida iyo xoogagga kale ammaanka waxayna sameeyeen howlgallo ballaadhan oo ay kaga hortageen weerarradii al-shab aab ay damacsanaayeen.”

    "Al-shabaab ayaa magac ahaan la shee gay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay in ay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ay uu hadalka ku daray Abiy. "Howlgal lagu hor istaagay tallaabadii ay qaadi lahaayeen, koo xahaas oo gaashanaya kuwa xumaha jecel ee gudaha iyo dibadda, ayaa la qaaday. Ciid amada qalabka sida ee Itoobiya iyo laamaha kale ee ammaanka howla aad u badan ayey qabteen,” ayuu yiri.

     "Dowladda dhexena waxaa ka go’an iney si weyn wax uga qabato amniga iyo xasiloon ida gudaha balse dadaalka dowladdu wuxuu mira dhal noqon karaa marka ay qaybaha ay quseyso iyo shacabka guud ahaan, kaalinta kaga aaddan ay ka soo baxaan,” ayuu yiri Dr Abiy Axmed.

Dad kusoo dhaawacmay dagaal oo la keenay Muqdisho

     Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wax aa Shalay laga soo dejiyey dad kusoo dha awacmay dagaallada ku salaysan muranka qabaa’ilka ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey duleedka M/Kismaayo. Dagaallad an ayaa ilo kala duwan ay sheegayaan inay dhinteen dad aad u badan.

     Mid ka mid ah waxgaradka oo dhaawac yada keenay Isbitaalada Muqdisho laguna magacaabo Abuukar Macallin Cali ayaa she egay inay dhaawacyada yihiin Shan Ruux oo kamid ah maleeshiyaadkii dagaalamay.

     Waxa uu sheegay in xaaladooda ay ta hay mid kala duwan,waxaana uu ku baaqay in dagaalkaas la joojiyo,isla markaana waxg aradka 2da dhinac looga baahan yahay inay ku baxaan.

Madaxweynaha Puntland oo kulamo horleh ka bilaabey Nayrobi

     Madaxweynaha Maamulka Puntland Md. Siciid C/hi Deni ayaa M.Nayrobi kulan kula qaatay danjiraha Sacuudiga u fadhiya Nayrobi Ambassad or Dr.Mohamed Abdulghani khaya ad.Md.Deni iyo Am bassador Dr. Moha med Abdulghani ay aa ka wadahadlay xoojinta xiriirka Ga nacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo , iska ashiga 2da dhinac ee horumarinta mashaari icda Puntland u baahan tahay.

      Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen si dii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqya da Sacuudiga iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalkaga

 ar ahaan deegaannada Puntland.


Musharax kale oo taageeray doorasha dii Dhuusamareeb ee Axmed Cabdi Qoor Qoor

     Md.C/hi Faarax Wehliye oo ka mid ahaa 4-tii musharrax ee ugu saameynta badnaa doorashadii Galmudug, balse ka haray tart anka doorashadaasi ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi iyo isbedal ladii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Md.Wehliye oo warsaxaafa deed soo saaray ayaa marka hore taageer ay doorashadii Dhuusamareeb ee lagu do ortay Md.Qoor-Qoor, isagoona sidoo kale u hambalyeeyey. Sidoo kale qoraalkaan ayuu Xildhibaan C/hi Faarax Wehliye uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Galmudug, wuxuuna tilmaamay inuu isagu gartay inuu tanaasulo, si loo soo afjaro khila afaadka la dagay horumarka maamulkaasi.

    Ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyey ma daxda DFS, gaar ahaan madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradda arrim aha gudaha.

Halkaan hoose ka aqriso:

     GALMUDUG la wada leeyahay baadi goo bkeeda waxaan bilaabay April 2017 kadib markii aan la wareegey xilka Wasiirudowla ha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.

     Dadaal dheer kadib waxaa Alle nagu guul eeyey aniga iyo intii igala shaqeysayba guulahaan :- 1. Curintii, Abaabuulkii iyo hirg elintii heshiiskii Djibouti ee Galmudug iyo Aswj lagu mideeyey. 2. Isku darkii baarlama ankii Galmudug iyo Aswj ee Dhuusamareeb.

3.Heshiiskii DFS iyo Aswj ee Raysulwasaar uhu ku tegey Dhuusamareeb si loo yagleeli Galmudugta Cusub ee Shalay. 4. Isku dha fkii Ciidanka DFS iyo Galmudug/ASWJ.

In lagu guuleysto shaqooyinkaas waxaa suu rta geliyey kana qeyb qaatay masuuliyiinta kala ah:-

1. Madaxweynaha JFS

Md. Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

2. Raysulwasaaraha XFS

Md. Xasan Cali Kheyre

3. Wasiirkii Arrimaha Gudaha

Md Cabdi Faarax Siciid (Juxa)

4. Wasiirka Arrimaha Gudaha

Md Cabdi Maxamed Sabriye

5. Wasiirkii Arrimaha Gudaha

Md. Cabdisamad Macalim Maxamuud

6. Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf

7. Madaxa Xukuumadda Galmudug

Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

8. Hogaamiyaha Sare Aswj

Macalim Maxamuud Sh Xassan

9. Xildhibaan Mahad Salaad

10. Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame

11. Wasiirkii Qorsheynta Galmudug

Md. Cabdikaafi Qaaf

12. Cali Yare Cali

13. Aadan Cismaan Xusseen14. Maxamed Cabdixaliim.

15. Urur Goboleedka IGAD.

     Musuuliyiinta kor xusan waxaan uga mah ad celinayaa doorkii ay ka qaateen dib u soo nooleenta Galmudugta cusub.

      Intaas kadib waxaan ka mid noqday mu sharaxiintii u soo istaagey xilka Madaxwey naha Galmudug 2020-2024, hase ahaatee masuuliyiintii Dowladda Dhexe iyo Gudoon ka Baarlamaanka Galmudug waxaan ku kala fikir duwanaaney qaabka loo marayo Doorsh ada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xi geenka, sidaas ayaana uga haray Doorasha dii Galmudug ka dhacday 02-02-2020 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo kuxigenkisa

    Hafdaba anigoo og waddadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajir ka Galmudug waxaan ummadda Soomaal iyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeyna yaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Mad axweyne Kuxigeenka DGGM ee lagu door tay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Al laha idinku asturo. Waxaana u ballan qaada yaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah.

      Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa mad axda la doortay iyagoo kaashanaya DFS, Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada reer Ga lmudugba iney isku doonaan dhinacyada tab ashooyinka qaba gaar ahaan ASWJ iyo Mad axweyne Xaaf si loo gaaro xal waara Galm udugna looga daba geeyo Dowlad Gobol eedyada dalka.

     Waxaan mar kale si gaar ah ugu mahad celinayaa R/Wasaaraha XFS dadaalkii aan qiyaasta laheyn ee uu geliyey Galmudug waxaan leeyahay mirihiisii waa la gaarey ee aan xajino Inshallah.

C/Raxmaan Odawaa Oo Caddeeyay Mow qifkiisa Ku Aadan Doorashadii Qoor-Qoor

      Md.Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa oo kamid ah Musharaxii u tartameysay xilka Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena ka mid ahaa Musharaxiin ka qaadacday Doora shaas ayaa Shalay Caddeeyay mowqifk iisa ku aaddan Doorashadii maalin ka hor ka dhacday M/ Dhuusam areeb ee uu ku soo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

C/raxmaan Odawaa oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Faceb ook ayaa waxaa ku sheegay inuu mar kale u taagnaan doono xilka Madaxweynaha dowl ad Goboleedka Galmudug, isla markaana de egaanada maamulkaas uusan marti ka no qon doonin.

      Sidoo kale C/raxmaan Odawaa ayaa Ee deeyn u jeediyay Madaxda DFS oo uu she egay in aysan si sax ah u marin dhismaha Maamulka Galmudug, wuxuuna uu tilmaa may in haatan Galmudug ay leedahay 3 maamul waa sida uu hadalka u dhigaye. Md. Odawaa ayaa wax hambalyo ah u dirin Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halka 3xdii kale Mu sharrax ah ee Isbaheysiga lahaa ay si isugu mid ah u soo soo dhaweeyeen Doorashadii Galmudug, isla markaana ay hambalyo u dir een Madaxda Cusub Galmudug hogaamin dooto Afarta sanno ee soo socota.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Odawaa.

    Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo had dana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.

     Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhis idda Galmudug waa si taariikhdooda bar ma dow ku ahaan doonta, qof walba ayaa mar qaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku bar bar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxwe ynihii iyo madaxii Xukumadda.

      Sideed bilood oo gacan maroojis iyo am ar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay inay Shalayy Galmudug leedahay 3 maamul oo ay ayagu mid dhisteen.

    Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noq do isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen.

    Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muu qda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray ka dib ma jirto sabab aan midkood ugu hambal yeeyo.

Puntland oo beenisay in qeyb ka midah ardaydeeda ay shahaado u raadsade en Muqdisho

     Wasaaradda waxbarashada Puntland, ay aa Shalay beenisay war ku saabsan 150 ar day oo Dorraad u ambo baxay M/Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay shahaado u doont een DFS.

     Agaasimaha tacliinta sare ee Puntland, Max amed Axmed Warsame Shirdoon oo saxaafada shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in ardaydaas ay yihiin arday deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga oo ay u fududeeyeen wasaaradda iyo shirkad gaar ah.

     Shirdoon waxaa uu uu nasiib darro ku sheegay in laga been sheego ardaydaas oo lagu tilmaamo in ay Muqdisho ugu safreen si ay DFS uga qaado imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare kadibna u siiso sha haado waxaa uu DFS ku eedeeyay inay afd uubatay deeqo waxbarasho oo laga helay dalalka China, Rushia iyo Hindiya. Maalinta berito ayaa la filayaa inay Punt land yimaa daan wafdi xildhibaanno ah oo maalin ka hor M/Muqdisho ka dalbaday in la qaado cunoqabataynta la saaray shahaadada arda

 yda reer Puntland ee ay matalaan


Yuusuf Garaad "Hadii aad Shar soo qor sheyso, ha sugin in wanaag lagala hor-yimaado

     Wax kasta oo GalMudug ay isu geysatay iyo wax kasta oo uu Federaalku u geystay, haddana mid ayaa ma huraan ah.

     In siyaasadda Gobolku ay horseeddo in uu nabad ku wada noolaado, nabad kula no olaado deriska, kana shaqeeyo horumarka dadweynaha dul, dhex iyo barbar deggan degaan hodon ku ah kheyraad dabi ici ah se ka gaaj eysan.

   Si nabad buu xda iyo horumar loogutallaabsado, waxaa ma huraan ah in la wadahadlo, dhab ta la is hordhigo, oo la kala garqaato.

     "Guusha” kooxdaada ha ku qiimeyn, ama aan si kale u dhaho, jiritaankaaga ha ku sab abeyn keliya waxa aad u dhimi karto dhinac aad is haysaan.

     Is weydii culeyska iyo dib u dhaca ku jira in aad isku daydo in inta kale oo dhan aad adigu muquuniso.

Adigu keligaa isu qir in aanad dadka kale ka xigin degaanka iyo dalka. In ismuquunin aan horumar lagu gaari karin ka baro taariikhda dhow iyo tan fog ee dalka.

Bal qiyaas. Wanaag adiga oo wada ayay dhacdaa in shar lagaala hor yimaado. Haddii aad shar soo qorsheyso, rajo ha ka qabin in wanaag lagaala hor yimaado.

Shar kaltan ah oo marba ay kooxi isku day do in ay u quus goyso inta kale,

horumar laguma gaarayo, nabadna waa la gu waayi karaa.

     Xumo kasta oo lagugula kacay, ballanbax ya kasta oo aad daliisheeda hayso, daneysi kasta oo aad ku aragtay qaar, maangaabni mo kasta oo aad ku tuhmeyso dhinaca kale, haddana waa dad degaan iyo dan guud ay kaala dhaxeeyaan.

      Sida keliya ee hore loogu wada socon ka raa waa wadahadal lagu goobo is afgarad.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar

Safaaradda Somaliya oo war ka soo saar tay ka bad-qabka Coronavirus ee muwa adiniinta ku nool Shiinaha

     Safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisay xaal ada muwaadiniinta Soo maliyeed ee ku nool M/ Wuhan oo ah magaal ada uu ka dilacay Cu durka Coronavirus oo haatan dunida walwal badan ku abuuray.

      Qoraal kasoo baxay safa aradda ayaa waxaa lagu sheegay inay u kuu rgaleen xa aladda caafimaad ee muwaadin inta Sooma aliyeed ee ku nool magaalada Wuhan ee dal ka Shiinaha, isl markaana xaal adooda caaf imaad ay wanaagsan tahay had da.Safaraad da ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in ay iska warqabaan Soomaalida ku nool magaalada Wuhaan, kuwaas oo taradoodu ay gaarayso 50 qof diplomaasiyiinta Safaa radda, waxii hadda ka dambeeyana ay sii xo oji doonaan iska war qabkooda.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka kasoo baxay safaaradda

Wasiir Fowsiya oo ka hadashay Baaritaan ka Coronavirus ee Garoonka ka bilaab een

       Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka So omaaliya, Dr. Fowziya Abiikar Nur ayaa ma anta kormeer ku tagtay shaqada Caafimaad ee ka socota Garoonka Aadan-Caddesi loo dar dar galiyo adeegga baarista cududrrada faafa gaar ahaan cudurka Coronavirus.

       Wasaaradda ayaa Shalay garoonka ka bilaawdey howlo la xirira baaris Caafimad loo la marsiinayo dadka Garoonka kasoo de gaya,si looga hortago waxyeelada ka dhalan karta Cudurka Coronavirus oo dhawaan ka dilaacey dalka Shiinaha sidoo kalena lagu ar kay wadamo kamid ah Afrka.

      Wasiiradda Caafimaadka ayaa waxaa ay kulamo shaqo la qaadatay Wasaaradda Duu lista iyo Hawada, Wasiir Maxamed C/hi Oom aar iyo sidoo kale hay’adda socdaalka iyo jinsiyada iyo Hay’adaha kale ee ka howlgala airportka,iyada oo kala hadashay sidii how shaan loo daradar gelin lahaa.

ARDAY SHIINAHA : Shiinaha oo karan tiilay ardayda Africaan ah ee ku sugan gobolka Wuhan

      Qiyaastii 4,600 oo arday Afrikaan ah ay aa ku xanniban gobolka Shiinaha ee ka dilla acay cudurka Co ronavirus. kaasoo si dhakhso ah u fidaya, sida ku xusan xog ar uurinta la sameeyay.

    Gobolka Bartamaha Shiinaha ee Hubei, oo ay kutaalo jaamac ad caan ah oo loogu tal agalay ardayda Afrikaanka ah, ayaa xudunta u ah fayras ka halkaasoo tirada ugu badan ee dhimashada ay ka dhacday tan iyo dab ayaaqadii sanadkii hore.

       Wuhan, waa caasimad goboleedka ay ku noolyihiin dad gaadhaya 11m, waxay ku sugan tahay xaalad gabi ahaanba aad looga deyriyay. Ardayda Afrikaanka ah ee ku xay iran gobolka  ayaa la faray inay raacaan tilm aamaha ay dejisay dowladda Shiinaha oo ka mamnuucaysa inay aadaan banaanka ama nooc kasta oo safar ah.

    Hadday ardaydu rabaan inay dalkoodii ku noqdaan, dawladda Shiinuhu waxay raadin eysaa dammaanad qaadka waxaa looga fa dhiyaa si badbaado leh muddo 14-maalmo od ah markay yimaadaan.

     Hannah Ryder, oo ah Maamulaha hay’a dda horumarineed ayaa warbixin ka bixisay ardaydaas, iyadoo sheegtay in ay xaaladdu aad uga sii darayso  iyada oo loo aaneynayo nidaamyada karantiilinta adag iyo mamnuuc ista gaadiidka.

     Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Fa ransiiska, Japan iyo Australia ayaa horeyba uga daadgureeyay qaar ka mid ah muwaadi niintooda oo loo beddeli doono meelo am aan ah muddo labo toddobaad ah si ay gac an uga geystaan yareynta masiibada.

      Iyada oo Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ca alami ah, ayaa dawladaha Afrikaanka ah ay ku mashquulsan yihiin sidii ay isu abaabuli la haayeen. Morocco iyo Aljeeriya waxay si cad u sheegeen inay damacsan yihiin daad gureynta muwaadiniinta, iyadoo dhowr dal oo kale oo Afrikaan ah la filayo inay raac aan.

      Si kastaba ha noqotee, nidaamyada dary eelka caafimaad ee liita ee Afrika awgood Shiinaha ayaa diidan inay u oggolaato dawl ado inay dib u soo celiyaan muwaadiniintoo da ku xayiran Hubei.


Uganda oo sheegtay bishaan dhamaad keeda in ay bilaabayso kala bixida ciid amadeeda ku sugan Soomaaliya

     Militariga Ugandha ayaa sheegay inay bi laabi doonaan wajiga 2aad ee ka bixitaanka ciidamadooda nabad ilaalinta ee la geeyay Soomaaliya dham aadka bish aan.

   Brig.Richard Kare mire,afayeenka mila tariga Uganda ayaa u sheegay wakaala da wararka ee Xin hua ayaa u sheegay in qaybta 2aad bixitaan ka ciiddamadooda ay ka ba dan tahay 6,000 oo askari oo ka hoos shaq eeya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaal iya (AMISOM) ayna dhici doonto 28ka Feb raayo.

      Taliyayaasha ciidamada AMISOM ayaa dabayaaqadii bishii hore go’aansaday inay ka jaraan 1000 askari oo kale oo dheeraad ah oo ka socda ciidamada nabad ilaalinta ee gobolka Geeska Afrika in kasta oo ay kor dheen weerarada ka imanaya Shabab.

     Marka loo eego AMISOM, maadaama tira da ciidamada la dhimayo, ciidamada amniga Soomaaliya ayaa la wareegaya mas'uuliya da amniga dalka.

     Uganda ayaa sanadkii 2017 kala baxday 281 nabad-ilaaliyeyaal iyada oo qayb ka ah yaraynta in ka badan 6,000 oo ciidan ah oo ka jooga Soomaaliya.

     Sida ku xusan qorshaha kala guurka ee lagu heshiiyey 2017, AMISOM waxaa laga rabaa inay si tartiib tartiib ah ciidamada amn iga Soomaaliya masuuliyadda amniga.

Wasiir hore Daahir Geelle oo dhinacyo badan ka dhaliilay hab hoggaaminta DF

    Wasiirkii hore ee W/warfaafinta Soo maaliya Md.Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda dalka iyo hab maamulka DFS, isagoo dhaliilo fara badan u soo jeediyay hogaaminta madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kha yre. Md.Daahir ayaa waxa uu sheegay in DFS hab maam ulkeeda siyaasadeed ay yih iin mid aan ku salaysnayn ca daalad, isla markaasina waxa uu sheegay inay soo kordhisay mudDadii ay dalka xukumaysay burbur siyaasadeed iyo nin jeclays, oo ay u aragto muwaadiniintee da Soomaaliyeed in  qaarba uga fiican yihiin qaarka kale sida uu hadalka u dhigay .

     Waxa uu xusay isagoo ka hadlayay door ashooyinka maamul goboleedyada dalka in dawladdu ay waxyaabo badan ka suurooba an inay u samayso si ay u soo baxaan mush araxiinta ay wadato oo ay doonayso in door ashada ay kusoo baxaan.

     Waxa uu sheegay inaysan jirin yididiilo muujinaysa in ay doorashooyinka soo socda ay mar kale dib u soo laabtaan madaxda xuk uumaddan, taasina uu ku tilmaamay inay ta hay mid ayaan darro ah. Sidoo kale Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu soo hadal qaaday doorashooyinka dalka ka dhici do ona sanadka 2020/2021-ka waxa uuna she egay inaysan dawaladani dhexe aysan doo rashadaasi qaban Karin, halka ay ku ma shquulsan tah ay arrimaha maamul gobol eedya da dal ka hdalkan wa siirkii hore ee w/warfaafinta Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed daba dheeraaday kaas oo u dhexeeya ma daxda maamusha maamul goboleedyada da lka ka jira iyo kuwa dawlada Soomaaliya

Doorashadii Iowa oo jahwareer isku beddeshay

      Dadaallada Dimoqraadiga ay ku doorana yaan musharax doorashada 2020 kula loola ma madaxweyne Donald Trump, ayaa ku bill  aabay qas iyo jahwareer kadib markii doora shadii Xalay ka dhacday gobolka Iowa ay nat iijadeeda kusoo bixi weysay waqtigii loogu talo-galay. Ka dib markii cod-bixiyay aasha ay isugu tageem 1,600 oo gooobood oo gob olka ku yaalla,ayaan weli la ogeyn natiijada, wax aana guddoo miyaha xisbiga Dimoqraa diga ee gobolka Iowa, Troy Price uu weriya yaasha u sheegay in natiijada ay soo bixi do on to xilli dambe oo Shalay ah.

      Xisbiga ayaa sheegay inay ku qasbanaa deen inay sameeyaan dib u hubin "xagga ta yada ah” kadib markii xogo is-diidan ay ka soo baxeeen qaar ka mid ah goobaha laga codeeyey, taasi oo dhalisay carro xooggan.

Cod-bixiyayaasha ayaa kulmayey si ay u kala doortaan 11 musharax oo dimoqraadi ah oo ay ka mid yihiin Senator Bernie Sand ers, madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Bi den, duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana, iyo Senator Elizabeth Warren.

       Saraakiisha xisbiga ayaa kalsooni ka muujiyey inay soo saari doonaan natiijo la hubo. Maareeyaha ololaha doorashada ma daxweyne Donald Trump, Brad Parscale ay aa wixii Xalay ka dhacay Iowa ugu yeeray "is ku dhex-yaac” xisbiga Dimoqraadiga ah. "Waxay maamuli kari waayeen doorasho, si de u doonayaan inay maamulaan dowladda. Maya, waad mahadsan tihiin.”?

Kooxo Hubeysan Oo Xalay Dil Ka Geystay Muqdisho

      Faah faahino ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo Xalay guda ha Suuqboocle ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin la shee gay inuu Ganacsade.

     Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Ra dio Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in Ninka la dilay uu Suuqboocle ku lahaa Goob lagu iibiyo Mooska, waxaana falkaas u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado.

   Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Hilowle, waxaana goobta uu fa lka ka dhacay ka baxsaday ragii ka dambe eyay falkaas, waxaana daqiiqado  kadib halk aas gaaray  Ciidamo ka tirsan kuwa Boolis ka dowladda.

     Sidoo kale Ciidanka dowladda ayaa sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano kala duwan, hayeeshee lama shaacin cid lagu soo qabtay howlgalkaas oo ka dhacay qey bo kamid ah D/Dharkeenley.Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Maxruuma Hilow le oo Ganacsade ahaa, balse dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilala horey uga dhacay M/Muqdisho ee Caasimad da dalka Soomaaliya.

Diyaarado Dagaal Oo Duqeymo Ka Gey stay Degaano Ay Heystaan Koox Mucaa rad Ah

Ciidanka cirka Dawladda Suuriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay 200 oo duqaymo kala duwan ah ku garaacay deegaanada ay haystaan kooxaha mucaaradka oo ay kamid tahay magaalada Idlib.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip