Wasiir hore Daahir Geelle oo dhinacyo badan ka dhaliilay hab hoggaaminta DF

0
Tuesday February 04, 2020 - 20:01:36 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir hore Daahir Geelle oo dhinacyo badan ka dhaliilay hab hoggaaminta DF

    Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda dalka iyo hab maamulka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo dhaliilo fara badan u soo jeediyay hogaaminta madaxweyne Farmaajo iyo Ra&#

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda dalka iyo hab maamulka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo dhaliilo fara badan u soo jeediyay hogaaminta madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre. Daahir ayaa waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya hab maamulkeeda siyaasadeed ay yihiin mid aan ku salaysnayn cadaalad, isla markaasina waxa uu sheegay in ay soo kordhisay mudadii ay dalka xukumaysay burbur siyaasadeed iyo nin jeclaysi ,oo ay u aragto muwaadiniinteeda Soomaaliyeed in qaarba uga fiican yihiin qaarka kale sida uu hadalka u dhigay .

Waxa uu xusay isagoo ka hadlayay doorashooyinka maamul goboleedyada dalka in dawladdu ay waxyaabo badan ka suuroobaan in ay u samayso si ay u soo baxaan musharaxiinta ay wadato oo ay doonayso in doorashada ay kusoo baxaan.

Waxa uu sheegay in aysan jirin yididiilo muujinaysa in ay doorashooyinka soo socda ay mar kale dib u soo laabtaan madaxda xukuumaddan, taasina uu ku tilmaamay in ay tahay mid ayaan darro ah.

Sidoo kale Daahir Maxamuud Geelle wasiirkii hore ee warfaafinta dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu soo hadal qaaday doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka 2020/2021-ka waxa uuna sheegay in aysan dawaladani dhexe aysan doorashadaasi qaban Karin, halka ay ku mashquulsan tahay arrimaha maamul goboleedyada dalka.

Hadalkan wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed daba dheeraaday kaas oo u dhexeeya madaxda maamusha maamul goboleedyada dalka ka jira iyo kuwa dawlada Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip