Eedayn iyo bah dilaad: Sheekadu waxay noqotay Lax waliba halka ay is dhigto ayaa lagu gowracaa

0
Thursday February 25, 2016 - 12:36:55 in Maqaallo by
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eedayn iyo bah dilaad: Sheekadu waxay noqotay Lax waliba halka ay is dhigto ayaa lagu gowracaa

    Raalli gelinta bani'aadankaqofkuu doono ha ahaadee,waxay leedahay dhibaato iyo caro Alle,sunnooyinka Tirmidi waxaa ku xusan xadiis ay soo werisay Caa'isha Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raalli gelinta bani'aadankaqofkuu doono ha ahaadee,waxay leedahay dhibaato iyo caro Alle,sunnooyinka Tirmidi waxaa ku xusan xadiis ay soo werisay Caa'isha Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii dalbada oo weydiista raalli gelinta Allah,

dadkana aan raalli gelin oo aan ku raalli gelin waxa uu Allah ka caroonayo,Allah ayaa dadkaasi ka qabanaya,dhibkooda iyo shartooda,qofkii dadka raalli geliyana kuna raalli geliya waxa aan Allah raalli ka ahayn,Allah ayaa dadkaasi ku salida, sheekh Albaani wuxuu xadiiskaasi ku saxiixay saxiixu Tirmidi lambar 2414

Askartii Kenyaatada ahaaee lagu dilay xerada ceel cadde ee Gobolka Gedo,kana danbeysay kooxda argaggixisada ah ee Al-Shabaab,ayaa dawladda Kenya intii la rabay in ay eedayn dusha ka saarto kooxdaasi ayay dawladda Soomaaliya ku eedaysay in ay ka danbaysay falkaasi argaggixisada ahaa,la yaabkaas waxaa ku xigay in ra’iisul wasaaraheena iyo wafdi u hoggaaminayay lagu xayiray laguna bahdilay madaarka Jomo Kenyatta,iyadoo ay sidaas tahayna wax cudaddaar degdeg ah oo ay Kenya ka bixisay ma jirto,maahmaah Soomaali ayaa waxay leedahay:Lax waliba halka ay is dhigto ayaa lagu gowracaa.

50 sannadood ka badan kaddibayaa xildhibaano calooshood u shaqeystayaal ah waxay soo wadaan motion lacag lagu helayo,kaasoo ah in Soomaaliya laga mamnuuco qaadka,waxaaba dhici karta in xildhibaano badan jeebkooda loo soo buuxiyay oo ay dawladda Kenya u soo buuxisay,waxaana dhici karta in xildhibaanadaasi ay ku andacoodaan in motionkan dib loo dhigo,maadaama uu dalku ku mashquulsan yahay doorashada dhacayso bisha agosto ee nagu soo aaddan,sida laga warqabana dawladda Kenya oo suntaas cagaaran noo soo dirto waxay ku beddalataa malaayiin dollarka Mareykanka ah.

Sida aynu ka warqabnowaxyaabaha lagu sakhraamo nooc kastoo ay ahaataba waxay baabi’iyaan caqliga bani’aadanka,waxay baabi’iyaan oo ay ka hortagaan caqiiddada qofka, waxay dhaawac gaarsiiyaan caafimaadka iyo akhlaaqda bani’aadanka,waxay khalkhal geliyaan amniga bulshada,waxayna mujtamaca u soo jiidaan fasaad iyo fowdo,waxay dib u dhigaan kobcinta dhaqaalaha,waxay curyaamiyaan horumarka qofka,waxay kala diraan qoysaska is-haysta waxayna badiyaan beenta,dhaca,is dilka,qabiilka,eexda, kufsiga iyo wixii la mid ah.

Marna ma daawataykuwa qaadka ka shaqeeya oo geedaha ka soo gura,akhlaaqdooda iyo caqiidadooda sida ay tahay,nadaafaddooda iyo qaabkooda sida uu yahay,haddii aad daawan lahayd waad ka yaqyaqsoon lahayd,marna iskuma daydeen in aad qaadka cunto,ma isku dayday in aad soo ururiso qisooyinka fuxshiga wata ee ka dhaca mafrashyada qaadka lagu cuno,bal aan hal dhacdo soo qaadano:hal mafrash ayaa waxaa lagu dhex shiday cajalad aroos ah oo niman iyo naago isla cayaarayaan,mid baa la dhacay cajaladdii,wuxuuna ku marqaamay gabadh timaha u tidcan yahay oo diric huruud ah labbisan,markaasuu yiri:caawa middan yaa ii geeya,mid ag fadhiyay oo isagana marqaansanaa bayba xaaskiisa ahayd,intuu istaagay buu soo qaatay kursi meesha yaalay,madaxa ayuuna uga garaacay,dhiig badan ayaana meeshii ku daatay,kala yaac iyo waa wareey baana meeshii ka dhacay,ma lahan qisooyin badan oo qisadan ka xanuun badan waad haysaa.

Qaadka ama waxa looguyeero sunta cagaaran waa xaaraan,waxaana laga helaya waxa laga helo khamriga iyo mukhaadaraadka kale,qofka cuna qaadka wuxuu diyaar u yahay in uu ku dhaqaaqo wixii uusan ku dhaqaaqin cunistiisa qaadka ka hor,sheekh bin Baz Allaha u naxariiste oo ka mid ah culumada waaweyn ayaa ku fatwooday in aysan shaki ku jirin in qaadka iyo sigaarkuba ay xaaraan yihiin,dhibka laga helayo ama lagala kulmayo awgeed oo aad u badan,waana labo shay oo marmar lagu marqaamayo marmarna lagu sakhraamayo,sida ay caddeeyeen dadka lagu kalsoon yahay oo aadka u og dhibaatada laga helayo labadaasi shay,bin Baz wuxuu intaa raaciyay:in culumada ay wax badan ka alifeen arrintaasi,wax badana ay ka sheegeen,waxaana ka mid ah culumada ka hadlay arrinkaasi muftigii hore ee Sucuudiya sheekh Muxammad bin Ibraahim Aali sheekh,wuxuuna sheegay in qaadku uu xaaraan yahay,kan cuna,kan qaada,kan loo qaado iyo ka ganacsada ay dhammaantooduba isku denbi yihiin,wuxuu kaloo bin Baz sheegay:in qof kasta oo muslim ahi ay waajib ku tahay in uu ka fogaado labadaaasi arrimood,mana bannaana in laga ganacsado ama laga baayac mushtaro qaadka iyo sigaarka,lacagta laga helaana waa xaaraan.

Sheekh bin Bazwuxuu kaloo ku fatwooday:in qofka muslimka ahi ay waajib ku tahay in uusan raacin oo uusan saaxiib la noqon dadka isticmaala labadaasi shay iyo dhammaanba kuwa isticmaala maandooriyaasha kale,sidoo kale aan lala rafiiqin kuwa bidcada ku sugan, iyo kuwa ku sugan majlisyada dadka lagu xanta,qofka muslimka ahina waa in uu la saaxiibaa oo uu rafiiq ka dhigtaa dadka akhyaarta ah,mana ahan in qof akhyaar ahi uu fadhiisto majlisyada qaadka lagu cuno ama uu la fadhiisto kuwa fadhiya majlisyada xanta iyo bidcoda lagu hayo,haddii ay dhacdana in qof akhyaar ahi uu dhex fadhiisto majliska qaadka ama majlisyada sharka lagu hayo isaguna la mid buu noqonaya,Allah wuxuu yiri:wuxuu korkiina idinku soo dejiyay kitaabka,haddii aad maqashaan aayaadka Allah oo lagu kufrinayo ama lagu jeesjeesayo hala fadhiisanina intay ka dhumbadaan hadal kale,waxaad noqonaysaan iyaga oo kale,macnaha la mid baad noqonaysaan (suuradda annisaa’,aayad lambar 140),sida ku xusan Bukhaari saxiixiisa lambar 2101 iyo Muslim saxiixiisa lambar 2628,soona weriyay abu Muusa Al-Ashcari Allaha ka raalli noqdee,wuxuu nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu kala saaray fadhiga fiican iyo fadhiga xun,qofkii la fadhiista qof fiican wuxuu ka helaya udgoon miski ah,qofkii la fadhiistana qof xun wuxuu ka helaya urka qofka afuufaya buufinka dabka,shakina kuma jiro in qofkii ag fadhiista qof qaad cunayo uu ka helayo wax aan fiicnayn.

Kuwa u bareerayin ay qaadka cunaan waxay had iyo jeer dareemayaan ciriiri nafsadeed,tu dhaqaaleed iyo mid bulsheedba,sababta ugu weyna waxay tahay iyagoo xalaaleystay wax Allah uu xarrimay,waxayna kuwaasi ka jeesteen xuska Allah,Rabbina wuxuu yiri:qofkii ka jeesada xuskayga waxaa u sugnaaday nolol ciriiri ah (suuradda Dhaaha,aayad lambar 124), Rabbi wuxuu yiri:waxay ku weydiin maxaa loo xalaaleeyay oo cunto ah,waxaad ku tiraahda: waxaa la idin xalaaleeyay waxyaabaha wanaagsan,macnaha waxyaabaha xalaasha ah ayaa la idin xalaaleeyay (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 4),fuqahadu waxay isku raaceen in wax kasta oo jirkaaga iyo maskaxdaaduba dhib u keenayo uu xaaraan yahay,Rabbi wuxuu yiri: naftiina ha dilina,Allah wuxuu ahaaday mid idin naxariiste (suuradda Annisaa’,aayad lambar 29),culumada sida aadka ah uga hadlay qaadka waxaa ka mid ah:muftiigii hore ee Maka ibnu Xajar Al-Haytami Al-Makiyyi iyo caalimkii Yemen Muqbil bin Haadi Al-Waadici,Allaha u naxariiste dhammaantood.

Cudurrada laga heloqaadka wey badan yihiin,waxaana ka mid ah:cunto yari,harraad badan, hurdo xumo,qofka cuna qaadka waxaa ka soo daata wax minada oo kale u eg,waxaa ku dhaca cudurka Paranoia loo yaqaano waana eray Giriig ah macnihiisuna waa miyir qab la mood, wuxuu ku nool yahay qofka qaadka cuna mala’awaal iyo been iyo faan aan meelna gaarsiisnayn,kuwa mafrashka fadhiya wuxuu qof kasta doonaya in uu hadlo,xataa marmar waxaa dhacda in ay hal mar wada hadlaan shan qof,yaa la dhegaysanaya yaase hadlaya, wuxuuna qof kasta iska dhaadhiciyay nafas oo iska hadal aad nafistidee,haddii aadan hadlina cudur baa kuugu dhacaya,waxaadba leedahay dadka kani ma waxay ku xeraysan yihiin meesha lagu xareeyo dadka waallan.

Cudurrada kale oo kudhaca kuwa qaadka cuna waxaa ka mid ah afka oo kaga dhaca canserka,jirkooduna waxaa maalin kasta ka muuqda diirimaad,sida kuwa khamriga cabba oo kale,midabka ilkahooduna wuu beddalma,marka ilkaha ka daatana qaadkii ayaa loo shiidaya sidii shaaha oo kale ayayna u cabbayaan,waxaa kaloo ku dhaca cudurka loo yaqaano schizophrenia,waana cudur ku dhaca maskaxda,waxyaabaha negativeka ah in ay sheegaan mooye ka maqli meysid wax positive ah,qofka cuna qaadka haddii ay is diriraan ama ay is khilaafaan isaga iyo saaxiibkiisa,wuxuu u malaynaya in uu shirqool u dhigayo,xataa haddii ay is dagaalaan isaga iyo xaaskiisa wuxuu rumeysanaya in cuntada ay sun ugu soo darayso, waxyaabaha ku dhaca kuwa qaadka cuna waxaa kaloo ka mid ah:madax xanuun,xummad, dhidid joogto ah,tiiraanyo iyo dhiig yari,waxaa kaloo ku dhaca laab jeex,calool adeeg,kaasoo marka danbe ay keeni karto in uu ku dhaco cudurka baawasiir ama baabusiir loo yaqaano.

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa inoo markale iyo mowduuc kale haddii Allah idmo

Den Haag/Holland

xigasho:-somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip