Himilooyinka Madaxweyne Xassan & Doorashooyinka 2016 ?

0
Sunday August 23, 2015 - 09:31:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Himilooyinka Madaxweyne Xassan & Doorashooyinka 2016 ?

    Soomaaliya, waa dalka mudo 21 sano in ka badan ay Colaado iyo kala dambeyn la'aan ka jirtay, mudadaad gudaheeda waxaa dalka soo maray dhowr madaxweye, kuwaasoo lagu soo doortay dalka dibadiisa, mudo 43 sano ka badan gudaha dalka laguma qaban doo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya, waa dalka mudo 21 sano in ka badan ay Colaado iyo kala dambeyn la'aan ka jirtay, mudadaad gudaheeda waxaa dalka soo maray dhowr madaxweye, kuwaasoo lagu soo doortay dalka dibadiisa, mudo 43 sano ka badan gudaha dalka laguma qaban doorasho xalaal ah, balse 10-kii September, 2012 waxaa dalka lagu doortay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xassan iyo xubnaha xisbigiisa oo ay qeyb ka yihiin Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, Faarax Sh. Cabduqaadir, iyo Xubno kaloo aad u fir-fircoon, waxa ay hana-qaadida siyaasada Soomaaliya soo bilaabeen sida aan taariikhda ku heyno sanadii 2010-kii waloow la sheego in ay taariikhdaa ka horeysay. Sanadii 2010 waxey aas-aaseen Xasbiga Horumarka iyo Nabadda ee afka qalaad loogu yeero Peace and Development Party (PDP) si ay u gaaraan himiladooda siyaasadeed, waxey dejiyeen qorshaha xisbiga taasoo loogu gogol xaarayay sanda 2016 doorashada guud ee la rajeynayo in ay dalka ka dhacdo.


Xisbiga ma uusan ku taameynin in uu tartamo sanadii 2012, hadaf-yada sanadkaa waxa ugu weynaa sidii ay ku heli lahaayeen xubin baar-lamaan. Xubnaha Xisbiga ee markaa ku guuleystay in ay qeyb ka noqdaan baarlamaanka hadda jira, waxaana laga xusi karaa Madaxweyne Xassan Sheekh, Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo Mahad Salaad. Himiladii aheed in ay 2016 doorashada galaan, oo aysan ka qeyb-qaadan tii 2012, waxaa talo soo jeediyay Faarax Sheekh sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ahaa, waxa uuna ku taliyay in aan la sugin 2016, lana galo doorashada 2012, dhamaan xubinihii kale ee madasha markaa joogay wey ku raaceen, wax ayna isla qaateen in doorashada 2012 laga qeyb-qaato lana sameeyo dadaal iyo karti dheeri ah.

Xisbiga waxa uu sameeyay, dadaalkii looga fadhiyay, taas oo keentay in ay doorashada kaga guuleystaan Xisbigii uu horu-kacaye Madaxweyn Sh. Shariikh Sheekh Axmed oo markaa xanta suuqa taala loogu yeeri jiray "Aala- Sheekh” balse markii dambe xisbigiisa magaciisa la shaaciyey, loona bixiyay"Tajamac Al- Islaamii”.

Kooxda uu hor-kaco madaxweyne Xassan waxa ay dadka qaar ugu yeeraan "Dam-jadiid” lkn qooraaga article –kaan ma adeegsan doono areygaa asagoo dhowrayo xaquuda iyo oraahda afka Madaxweyne Xasan laga Hayo, taas oo ah in uu si cad u diiday in uusan nolashiisa qeyb- ka noqon urur diimeed lagu magacaabo "Dam-Jadiid” sidoo kale qoraaga ma adeegsan doono magaca "Aala Sheekh” waxa uuna adeegsan doonaa badalkiisa "Tajamc Al-Islaamii”.

Doorashadii September, 2012, Madaxweyne Xassan iyo xubnaha xisbigiisa waxa ay sameeyeen dadaal aan howl-yareyn, si ay doorashada ugu guuleystaan, waloow uu hankaas jiro haddana qoraaga article –kaan iyo dad badani waxa ay la yaabanaayeen boorarka, banaanbaxa, iyo dadaalka isku xirnaanta leh ay wadeen, waxaase noo sawirnaa in dadaalkan uu noqon doono hal bacaad lagu lisayo, waayo musharaxa ay wadeen magaciisa markaa ayaa inoogu horeysay, waxaana inoo sawirnaa dadka uu la tartamayo oo magac iyo maqaamba ka sareeyay.

Madaxweyne Xassan, waxa uu la tartamaye musharixiin badan oo ka caansan, kana hanti badnaa, tusaale waxa uu diyaar u ahaa in uu la tartamo Madaxweynaha kolkaa xafiiska joogay Sh. Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihiisii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Dadaal dheer waxaa lama filaan noqotay in Xassan loo doortay Madaxweynaha tala dalka heynayo ilaa sanada 2016, lana sugayo in uu dalka ku baahiyo nidaamka Federaalka oo uu dalka markaa qaatay, sida ku cad Dastuurka KMG Soomaaliya qodobkiisa 1aad.

Madaxweyne Xassan waxa uu dadaal u galay  sidii uu u soo dhameystiri lahaa dowladaha xubinta ka noqon doonto dowlada dhexe ee Fedraalka, waxa uuna dhisay Maamullada KMG ee Jubba iyo Kan Koonfur Galbeed. Madaxweyne Xassan iyo Xunaha Xisbigiisa waxa ay xiriir fiican la yeesheen Maamulada markaa dhismayo, waloow kan Jubba sida muuqata uusan isku haleyn karin haddana waxa uu xiriir fiican iyo gacansaar fog la leeyahay kan Koonfur Galbeed, oo uu hogaamiye Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaankii Kumeel Gaarka Mudane Shariif Xassan.

Xubnaha Xisbiga waxa ay dadaal ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen, Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, taasoo la aamisanyahay in Shacabka ugu Badan Soomaaliya ay ku noolyihiin, sidoo kalana Dowlad

Goboleedyada ay ka imaan doonaan Xubnaha Aqalka Golaha Guurtida (The Upper House of the Federal Parliament) sida uu dhigayo Dastuurka KMG ee Soomaaliya Qodobka 71aad, kaa oo oranayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. Xubnaha matalayo aqalka sare laba siyaabood-ba wey ku imaan karaan. 1) in ay soo doortaan bulshada ay matalaan ama 2) in dowlad-goboleedka laanteeda fullinta ay soo magacaabaan xubnaha u matalayo.

Madaxweynaha iyo Saaxiibadii waxa ay ku guuleesteen in saaxiibkood Cabdikariin Xuseen Guuleed uu noqdo Madaxweynaha GalMudug doorasho ka dhacday degmada Cadaado taariikhdu markey aheyd 4-ta July, 2015, Cabdikariin waxa uu ahaa Wasiirkii Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadiihii dalka soo maray 2012 – 2014.

Hadaba Guusha Guuleed, Maxeey ka dhigantahay?

Sanadii 2012, Madaxweyne Xasan iyo Saaxiibadii waxa ay afka ciida u dareen Madaxweyne Shariif iyo Saaxiibadii doorashadii dalka ka dhacday. Madaxweyne Shariif xiligaa waxa uu lahaa awood dheeri ah maadaama uu majaraha u hayey talada dalka, waxa uuna u dhawaa in uu dalka xukumi doono ilaa 2016, balse taa ma dhicin.

Xassan waxa uu shariif ku hirtiyay doorashadii 2012, sidoo kalana wuu kaga guuleystay doorashadii. Sidoo kale waxaa Cadaado ku hardamay garbaha Madaxweyne Xassan iyo Sh. Shariif Sh. Axmed, waxa uuna Guuleed ka guuleystay Axmed Macallin Fiqi oo u tartamaye Madaxweynaha Maamulka GalMudug.

Su’aal, mala oran karaa Guushii Guuleed waxa ay u gogol xaareysaa in Madaxweyne Gur-guurte uu markale guuleysto 2016?

Waxaa muhiim ah in lays-weydiino su’aalo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin:-

1. Ma jiraa urur ama xisbi sidii ul iyo diirkeeda u shaqeeya heystana kalsoonida shacabka, hanti iyo maqaam siyaasadeed?

2. Ma jiraa xisbi gacan saar la leh dowlad gobaleedyada dalka ka jira?

3. Ma jiraa xisbi taageero ka heysta wadama daneeyo arrimaha Soomaaliya?

4. Mase laga yaabaa in ay is dhinto awooda xisbiga Madaxweyne Xasan?

Su’aalahaa jawaabahooda waxa ay keeni karaan natiijada 2016. Sida ay dadka wada ogsoonyihiin Xisbi Himilo siyaasadeed leh dowrkiisana uu weli muuqdo waxaa la dhihi karaa waa xisbiga "Tajamac Al-Islaamii”, waxa uuna wajahayaa hardan iyo taxdiidiyaad.

Guushii Guuleed waxay ina tusineysaa Xassan iyo Xaasiibadii oo ku guleysan doona shaqada yar ee uga hartay sidii ay ugu guuleysan lahaayeen hanashada maamul goboleedyada dalka ka curanayo, waxa la sugaana waa in ay guul kale ka gaaraan Dowlad Goboleed-ka ka dhallan doona Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, hadii ay ku guuleystaan, waxa ay gacanta ku dhigi doonaan badanaa codadka shacabka ama ergada ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, qeybaha soo harana waxa ay kala simanyihiin musharaxiinta mustaqbalka la tartami doonta. Waase arki doonaa sida ay noqoto hardanka iyo doorashada la filayo sanadka 2016, oo ay doorashada laba midkood u qab-soomi doonto: in ay shacab-ka wax soo doortaan ama ergo laga soo xulo degmooyinka gobolada dalka ama ikhtiyaar kale oo markaa laysla garto/raaco.

Mahadsanidiin

W/Q. Maxamed Maxamuud Cali (Colaad),

B.A- Public Administration      colaadcadde@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip