Garoonka Ay Habeen Dambe Real Madrid Ku Ciyaari Doonto Oo Uu Baraf Qariyey Iyo Werwerkii Los Blancos Oo Sii Batay

0
Tuesday January 21, 2020 - 21:12:33 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka Ay Habeen Dambe Real Madrid Ku Ciyaari Doonto Oo Uu Baraf Qariyey Iyo Werwerkii Los Blancos Oo Sii Batay

    Real Madrid ayaa habeen dambe marti u noqon doonta kooxda yar ee Unionistas de Salamanca oo ay ku kulmanayaan tartanka Copa del Rey, laakiin maalin ka hor waxa soo baxsa xaalad walaac leh oo ku saabsan garoonka yar ee kooxdan oo uu baraf qariyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa habeen dambe marti u noqon doonta kooxda yar ee Unionistas de Salamanca oo ay ku kulmanayaan tartanka Copa del Rey, laakiin maalin ka hor waxa soo baxsa xaalad walaac leh oo ku saabsan garoonka yar ee kooxdan oo uu baraf qariyey. Waddanka Spain ayay xilligan cimilladdiisu qabow tahay, hase yeeshee Salamanca oo ku taalla badhtamaha dalka oo ay ka dhisan tahay kooxda yar ee Unionistas, waxa garoonkeeda aan tayada badan lahayn qariyey baraf badan, kaas oo keenay in guud ahaan la arki waayo dooggii.

Garoonkan oo lagu magacaabo Las Pistas waxa uu qaadaa 4,000 qof kaliya, waxaana kooxdaasi ay u diyaarisay shaqaale badan oo ka nadiifiya barafka, hase yeeshee waxa aanay haynin wax ay kaga dedaan barafka badan ee dhacaya.

 

Qabowga ka dhacaya Salamanca ayaa la sheegay inuu hoos u dhaafay heerka ay biyuhu ku fadhiistaan, waxaanu gaadhay Salaasadii maanta -4.

Real Madrid ayaa hore uga walaacsanayd xaaladda gudaha garoonka, gaar ahaan doogga yaalla oo halis gelinaya taam ahaanshaha laacibiinta oo ay sahlan tahay inay si fudud u dhaawacmaan, waxaana sii kordhiyey walaacaas cimilada barafka ah ee ka jirta halkaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip