Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

0
Monday January 20, 2020 - 10:02:23 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

    Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in kulankii ugu horeeyay ay ku yeeshaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaasi oo shalay la ansixiyay. Kulanka Guddiga ayaa intii uu socdo waxaa lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in kulankii ugu horeeyay ay ku yeeshaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaasi oo shalay la ansixiyay. Kulanka Guddiga ayaa intii uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo ku aadan diyaar garoowa Doorashada Hoggaanka sare ee Galmudug oo maalmaha soo socda dhici doonta, iyagoona Guddigan iska dhex dooran doona Guddoomiye iyo ku-xigeen. Magaalaa Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha, isla markaana waxaa halkaas ku sugan Musharaxiin badan, kuwaasi oo ku tartamaya Xafiiska Madaxtooyadda Galmudug.Sidoo kale Guddigan Doorashada uu shalay magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ka kooban 13-xubnood, waxaana la filayaa inay Maanta ay soo saran Jadwaka Doorashada Madaxweynaha Galmudug. Ammaanka Magaalada ayaa waxaa uu yahay mid aad oo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan iyo kuwa AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip