Maamulka Degmada Marka Oo Ka Hadlay Weerarkii Xalay Ee Al-Shabaab

0
Monday January 20, 2020 - 10:00:08 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Degmada Marka Oo Ka Hadlay Weerarkii Xalay Ee Al-Shabaab

    Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa guutada 14-ka Octoober iyo Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxaa uu ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalka uu socday muddo ku dhowr hal saac. Dadka de

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa guutada 14-ka Octoober iyo Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxaa uu ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalka uu socday muddo ku dhowr hal saac. Dadka deegaanka Marka oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dagaalkan markii uu ku bilowday weera qaraxyo ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Ruushka ee Marka, isla markaana intaas uu qarxay dagaal Culus, iyagoona maqlayay jugta rasaas ay isdhaafsanayeen labada dhinac. Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Marka, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray. Sidoo kale Guddoomiye Cabdullaahi Waafow ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-shabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay in markii dib ay uga laabteen Magaalada.Guddoomiyaha Degmada Marka Cabdullaahi Waafow oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab ay iska difaaceen ayna ka war hayeen weerarkaas ay soo qaadeen shabaabka. Ilaa iyo hada si rasmi ah looga oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Marka, maadama xili habeen ah uu dhacay, waxaana xaaladda deegaan saakay ay tahay mid degan, iyadoona Ciidanka dowladda ay wadaan howlgalo kala duwan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip