Muwaadiniin Ay Soomaali Ku Jirto Oo Lagu Xiray Magaalada Nairobi

0
Sunday January 19, 2020 - 20:09:44 in Wararka by
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Ay Soomaali Ku Jirto Oo Lagu Xiray Magaalada Nairobi

    Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi waxaa ay ku xireen Muwaadiniin u dhashay dalalka Kenya, Mareykanka iyo Soomaaliya, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay weeraro ka geysan lahaayeen gudaha Kenya. Saraakiil ka tirsan Booliska Ken

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi waxaa ay ku xireen Muwaadiniin u dhashay dalalka Kenya, Mareykanka iyo Soomaaliya, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay weeraro ka geysan lahaayeen gudaha Kenya. Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in eedeeysanayaan la qabtay xili ay wateen gaari noociisu ahaa Toyota Vitz, isla markaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Nairobi.

 
Saraakiisha Ciidanka Kenya ayaa tilmaamay in gaarigaas la qabtay laga dhex helay agabyo kala duwan oo ay adeegsadaan Ciidanka Cirka ee dowladda Kenya iyo lacago kaash ah oo isugu jiray Dollar, Shillinka Soomaaliga iyo Shillinka dalkaas.

Xubnaha la qabtay oo gaaraya ilaa iyo 5 ruux ayaa waxaa ay kala yihiin Muwaadin Mareykan ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabaas Maxamuud iyo laba Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Maxamed Xasan Baariyoow iyo Hodan Cabdi Ismaaciil.

Sidoo kale waxaa jira laba ruux oo kale una dhashay Kenya, kuwaasi oo magacayadooda lagu sheegay Maxamed Aadan iyo Gaarina oo ahaa Darawalkii gaariga ku waday xubnaha, waxaana dhammaantood lagu sameeyn doonaa baaritaano kala duwan, iygdoona lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar argagixisanimo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip