Gaari Ay La Socdeen Dad Shacab Ah Oo Lagu Rasaaseeyay Duleedka Muqdisho

0
Saturday January 18, 2020 - 18:12:59 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Ay La Socdeen Dad Shacab Ah Oo Lagu Rasaaseeyay Duleedka Muqdisho

    naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka halkaas ay ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah. Ciidamada dowladda ayaa rasaaseeyay Gaarigaas oo noociisu a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka halkaas ay ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah. Ciidamada dowladda ayaa rasaaseeyay Gaarigaas oo noociisu ahaa Hoomey xili uu ku socdaal ku marayay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadkii saarnaa gaariga. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in Ciidanka dowladda xiliga ay rasaasta ku furayeen gaariga ay yimideen dhanka Afgooye, kuwaasi oo falka kadib goobta ka tegay.

Ugu yaraan 7 ruux oo kamid ah dadkii la socday gaariga ayaa waxaa rasaasta ay fureen Ciidanka waxaa kasoo gaaray dhaawacyo, waxaana 3 kamid ah dadkaas ay yihiin Haween halka 4-ta kalena ay yihiin Rag.

Sidoo kale Dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad ee ku taalla duleedka Muqdisho, waxaana la sheegayaa in qaar kamid ah dadaas xaaladooda Caafimaad ay tahay mid Culus.

Inta badan Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiliyada ay socdaalka ku marayan wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaa ay furaan rasaas badan, taasi oo khasaaro ay kasoo gaarto dadka shacabka ah ee halkaas ku sugan.




xigasho:-radiodalsan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip