Madaxweynaha Jubbaland oo baaq u diray dowladda dhexe

0
Saturday January 18, 2020 - 10:43:04 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo baaq u diray dowladda dhexe

    Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland uu daba dheeraaday, islamarkaana sababto ah tahay mas'uuliyiinta dowladda dhexe ee Soomaaliya oo doonaya in ay awoodda la wareeggaan. Waxaa uu sheegay in hanaanka lagu dhisay Soomaaliya burburkii ka dib uu yahay Mid Federaal ah ,islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayso in ay meesha ka saarto. Waxa uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay awooddaan in ay dhisaan dowlad dhexe haddii aan la xalin Khilaaf oo aan Jubbaland iyo Puntland lala heshiisiin. Maamulada iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in Saacadaha soo socda ay soo saaraan War Saxaafadeed ku saabsan Xaaladda dalka iyo Sharciyadda doorashooyinka iyo Batroolka oo ay si weyn uga soo horjeeddaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip