Taliska Cidanka xoogga oo War kasoo saarey dagaalkii deegaanka Xaaji Cali

0
Friday January 17, 2020 - 20:54:45 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Cidanka xoogga oo War kasoo saarey dagaalkii deegaanka Xaaji Cali

    Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 26 kalena ay ku dhaawaceen ka dib dagaal ay kula galeen degaanka Xaaji Cali ee Gobalka Shabeellada dhexe. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda difaaca So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 26 kalena ay ku dhaawaceen ka dib dagaal ay kula galeen degaanka Xaaji Cali ee Gobalka Shabeellada dhexe. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu iska hor imaadku dhacay markii ay Ciidanka xoogga ka war heleen weerar ay qorsheynayeen in ay Al-Shabaab kasoo qaadaan fariisimo ay Ciidanku lahaayeen. "Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehan tahay, waxaa la burburiyay raacyadiisa hore, waxaana ku gaaray goobta lagu dagaallamay qasaare aad u badan, taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadaan, si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay, Ciidanka waxuu baacsaday cadowga ayaga oo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleena lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guud-ba, ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda difaaca Soomaaliya. Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi ay Ciidanka Xoogga Dalka kaga dhinteen 1 Sarkaal 1 Sarkaal xigeen iyo 2 Askari, halka dhawacana uu gaarayo 3 Asakari. Qoraalka ayaa geba-gabadii lagu sheegay in CXDS uu had iyo jeer heegan iyo foojignaan ugu jiro ilaalinta kaaramada Shacabka Soomaliyeed, waxeyna si aan ka leex-leexad laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siisay, si loo difaaco kaaraamada sharafka iyo Madax bannaanida Qaranka. Al-Shabaab ayaa dhankooda war ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen inay cagta mariyeen Xerada Ciidamada dowladda ee deegaanka Xaaji Cali,isla markaana ay la wareegeen deegaankaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip