General Tuuryare oo DF siisay digniin la xiriirta Galmudug

1
Thursday January 16, 2020 - 23:52:22 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Tuuryare oo DF siisay digniin la xiriirta Galmudug

    Gen Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug, ayaa Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ugu digay inay joojiso fara-gelinta ay ku heyso dhismaha Maamulka Gal-mudug gaar ahaan Xildhibaanada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gen Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug, ayaa Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ugu digay inay joojiso fara-gelinta ay ku heyso dhismaha Maamulka Gal-mudug gaar ahaan Xildhibaanada lasoo xulay.

Musharaxa ayaa ka digay in isqab-qabsiga siyaasadeed ee Muqdisho loo soo raro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kaasi oo uu sheegay in uu dib u dhac iyo qalalaase horleh gelin karo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Waxaa uu xusay in Mushkiladaha Galmudug ay bud-dhig u yihiin laba qodob kuwaasi oo hadii aanan laga digtoonaan ay suuragal tahay in Gal-mudug dhisideeda la carqaladeeyo.

Tuuryare ayaa labadaas sabab ku sheegay Xasilooni daro siyaasadeed oo ay sababteeda leeyihiin Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mucaaradka ayuu sheegay in ay saameysay Gal-mudug taasi oo laga baaqsan karay haddii wadiiqo saxan loo mari lahaa sida uu yiri.

Valueimpression Placeholder

Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in Amni darada dhul badan oo Gal-mudug ah oo aan xor aheyn ay qeyb kasii qaadan karto mushkiladaha heysta Maamulkaasi.

Hadalka kasoo yeeray Musharax Tuuryare ayaa kusoo aadayo xilli uu Maanta Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay ku dhawaad 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Musharax Tuuryare ayaa ah musharax ka madax banaan Dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka, wuxuuna kamid yahay musharixiinta ugu cad cad doorashada Galmudug.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip