Magacyada sadex Musharax oo loo saadaalinayo inay noqdaan Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

0
Thursday January 16, 2020 - 23:47:07 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada sadex Musharax oo loo saadaalinayo inay noqdaan Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

    Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada maamulka Galmudug waxaa caawa ka socda olole xoogan ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudig iyo labadiisa kuxigeenka .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada maamulka Galmudug waxaa caawa ka socda olole xoogan ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudig iyo labadiisa kuxigeenka .

Musharaxiinta qaar ayaa caawa helaya taageerada iyo balan qaadka Xildhibaanada codkooda lagu kala baxayo, halka musharaxiinta qaarna ay quusteen kadib markii ogaadeen in Xildhibaanada aysan cod ka heli doonin.

Sadex ka mid ah musharaxiinta u taagan Xilka Gudoonka Baarlamaanka gaar ahaan Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa wada olalaha ugu xoogan ee doorashada beri la filayo in ay dhacdo.

Musharaxiintan ayaana si weyn loo saadaalinayaa in ay kusoo bixi doonaan gudoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug gaar ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa aad loogu saadaalinayaa in uu kusoo bixi doono Dr Maxamed Nuur Gacal, halka Gudoomiye kuxigeenka koobaad la saadaalinayo Cabdulaahi Xirsi Maxamed, Gudoomiye kuxigeenka labaad ayaa isna loo saadaalinayaa Xildhibaan Maxamed Axmed Maalin



Dhanka kale sida aan wararka ku heleyno Sadexdan musharax ayaa la sheegay in ay leeyihiin isbaheysi hoose, waxaa sidoo kale Wararku sheegayaan in musharaxiinta ay xiriir dhaw la leeyihiin dowlada federaalka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip