Ergayga Qaramada Midoobay ee bariga Afrika oo ka hadlay socdaal uu ku tagay Muqdisho

0
Wednesday January 15, 2020 - 13:27:31 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergayga Qaramada Midoobay ee bariga Afrika oo ka hadlay socdaal uu ku tagay Muqdisho

    Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.
Sarkaalka UN-ka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay wakiillo kala duwan oo heer qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga gobolka, doorashooyinka, horumarka, gargaarka iyo arrimo kale.

Kulamada Mr. Onanga-Anyanga waxaa ka mid ahaa kulan uu la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, Balal Mohamed Usman, kuwaas oo uu kala hadlay muhiimadda wada hadalku u leeyahay nabadda iyo barwaaqada gobolka.


Wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ibraahim, waxayna ka wada-hadleen qaar ka mid ah caqabadaha iyo fursadaha la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada soo socota ee dalka,('hal-qof, hal cod')

Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri "Doorashooyinku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin qaran laakiin waxay sidoo kale horseedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qaramada Midoobay", ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

Mr. Onanga-Anyanga wuxuu sidoo kale la hadlay wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay iyo doorka macnaha leh ee haweenka iyo dhalinyarada ay ka ciyaarayaan howshan.

"Waxaan u tagey magaalada Muqdisho anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda si ay uga gudbaan caqabadaha hada jira.” Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri.
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip