Askari Boolis ah oo wiil yar ku dilay banaanka xarunta gobolka Banaadir

0
Monday January 13, 2020 - 10:18:06 in Wararka by
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Boolis ah oo wiil yar ku dilay banaanka xarunta gobolka Banaadir

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka wiil yar ugu geystay afafaaka hore ee xarunta maamulka gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidanka ilaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka wiil yar ugu geystay afafaaka hore ee xarunta maamulka gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar oo uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir. Dilka wiilkan yar oo da'diisa lagu qiyaarsay 10-sano jir ayaa yimid, kadib markii askariga toogtay uu ku eedeeyey inuu ka xaday Mobile, sida dad goobjoogayaal ahaa ay noo xaqiijiyeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe gacanta lagu dhigay oo xabsiga loo taxaabay askarigii falkaas geystay, mana jirto wax faahfaahin ah saraakiisha ciidamada amaanku ay ka bixiyeen dhadadaas. Mararka qaar sidaan oo kale ciidamada dowladda ayaa dilal barer ah u geysta dadka shacabka ah, waxaana aad u yar in askarta shacabka u geysata dilalka bareerka ah cadaaladda la hor geeyo.
 0



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip