Al-Shabaab oo markale weerar ka geystey Gudaha Kenya

0
Monday January 13, 2020 - 10:33:29 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo markale weerar ka geystey Gudaha Kenya

    Arroornimadii hore ee saaka ayaa la sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Waaxda Kamuthe oo ka tirsan degmada Fafi oo qiyaastii 45 kiilo mitir u jirta magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari. Weerarkaas ayaa la sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arroornimadii hore ee saaka ayaa la sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Waaxda Kamuthe oo ka tirsan degmada Fafi oo qiyaastii 45 kiilo mitir u jirta magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari. Weerarkaas ayaa la sheegay in lagu diley Saddex Macalin sidoo kalena Al-Shabaab ay gubeen Anteenooyin ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom oo kamid ah Shirkadaha ka howlgalla dalka Kenya. Taliyaha Ciidanka booliiska gobolka Waqooyi Bari Kenya Paul Soi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerarka la beegsadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska iyo Anteenooyinka Shirkad Isgaarsiineed. Qaar kamid ah Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Mas'uuliyin ka tirsan ismaamulka Gaarisa ay gaareen deegaanka uu weerarka ka dhacay si ay u qiimeeyaan khasaaraha kale ee ka dhashay weerarkaas. Si kastaab Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan Guaha Kenya,waxaana muddolaba todobaad gudahood ah ay fuliyeen Saddex weerar oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip