Madaxweyne Deni iyo Xaaf ma iska war qabaan?

0
Thursday January 09, 2020 - 18:31:36 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni iyo Xaaf ma iska war qabaan?

    Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku taliyay in xallinta xaaladda Galmudug faraha looga qaado dadka u dhashay gobolkaas, wuxuuna dowladda Federaalka ku dhaliilay inay howlhahaas ka qaadatay door aysan lahayn. Puntl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku taliyay in xallinta xaaladda Galmudug faraha looga qaado dadka u dhashay gobolkaas, wuxuuna dowladda Federaalka ku dhaliilay inay howlhahaas ka qaadatay door aysan lahayn. Puntland waxay ka mid tahay maamul goboleedyada ay xurgufta siyaasadeed kala dhaxeyso dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, iyadoo hadda uu hal sano dhammeystay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Wareysi gaar ah oo uu Deni siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa lagu weydiiyay su'aal ku saabsaneyd inay iska war qabaan isaga iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle "Xaaf", oo sidoo kale uu khilaaf weyn kala dhaxeeyo dowladda dhexe. "Sida aannaan annaguba u jecleyn in aan faraha lala galin arrimaheenna hoose ayey Puntland iyaduna u ixtiraameysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah, waana shey dabiici ah inay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraameynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhammeystaan", ayuu yiri. Si toos ah ugama uusan jawaabin su'aasha la xiriirtay in isaga iyo Xaaf ay si hoose isula socdaan, hase yeeshee wuxuu ku baaqay "in dowladda dhexe ay joojiso qaadashada doorka Galmudug ee uusan u fasixin dastuurka". "Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qeyb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Soomaaliya xuddun u ah, intaas iyo ka badan ayey ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in howlaha galmudug loo daayo dadka reer Galmudug", ayuu yiri Deni. Sanadkii uu Dani madaxweynaha ahaa ma wuxuu ku dhameystay Khilaaf?

.

 

Madaxweyne Deni ayaa guda galaya sanadkii labaad ee uu madaxweynaha ka yahay dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna BBC-da u sheegay inay waxyaabo badan u qabsoomeen.

Balse waxaa la isla dhex marayaa in muddadii sanadka ahayd ee uu xilka hayay uu khilaaf badan hareeyay maamulkiisa.

Marka laga soo tago ismariwaaga u dhaxeeya madaxweyne Dani iyo dowladda dhexe, oo ku saabsan xeerarka bartoolka iyo doorashada qaranka, waxaa kale oo si weyn loo hadal hayay khilaafkii soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Labada hoggaamiyeba iyagoo BBC-da la hadlayay waxay beeniyeen inuu dagaal gooni ah ka dhaxeeyay.

Deni oo arrintaas ka hadlayay ayaa yiri: "Aniga iyo guddoomiyaha baarlamaanka isma heynin laakiin guddoomiyaha waxay isqabteen xildhibananadiisii baarlamaanka, iyagaana markii dambe sida uu dastuurku u fasaxayo lahaa go’aankii ay xilka uga qaadeen”.

Sidoo kale Dhoobo Daareed oo horay BBC-da wareysi u siiyay ayaa meesha ka saaray inay si gaar ah isu hayeen madaxweynaha.

"Aniga iyo madaxweynaha isma hayno, meel aan isku qabanayna ma jirto, meel ay wax nagu dhex mareen oon ku kala tagnay ma jirto, madaxweynaha dhiniciisa in ay wax jiraanna u malayn maayo, way dhacdaa marmarka qaarkood in dadka ay wax kala fahmaan, afkaarahana lagu kala duwanaado”, ayuu yidhi.

 

Dhinaca kale wuxuu Deni gaashaanka u daruuray muran salka ku hayay heshiisyo ay dowladdiisu gashay oo ay kasoo horjeesteen odayaasha dhaqanka.

Qaar ka mid ah odayaashaas ayaa markii dambe xabsiga loo taxaabay, oo xukunno lagu riday.

"Odayaasha dhaqanku uma xil saarna heshiisyada lala galo dalalka caalamka iyo shirkadaha, howshaasi waxay u taallaa dowladda, mana aha inaan si gaar ah uga qancinno, intaasna waxaaba sii dheer in odayaashaas ayasan ahayn kuwo sax ah oo la aqoonsan yahay”, ayuu yiri Deni.

Deni oo isagoo careysan ka baxay fadhigii baarlamaanka

.

Xiisadda Baarlamaanka iyo madaxweyne Deni ayaa soo ifbaxday ka dib markii uu madaxweynaha si caro leh uga baxay kulanka Baarlamaanka, xilli uu qaadan waayay su’aal uu weydiiyay mid ka mid ah xildhibaannada.

Kulankaas ayaa ahaa furitaanka kalfadhigii 45-aad ee baarlamaanka Puntland.

Deni ayaa u muuqday inuu "aad uga xanaaqay” eedeymo dhinaca amni darrada ah oo xukuumaddiisa loo jeediyay iyo dalab ku aaddanaa inuu iscasilo.

Xigasho:BBCSomali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip