Kulan Boroordiiq ah oo loo sameeyey Ardaydii ku geeriyootay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

0
Wednesday January 08, 2020 - 21:46:05 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Boroordiiq ah oo loo sameeyey Ardaydii ku geeriyootay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

    Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho Munaasabad iskugu jirtay baroordiiq iyo duco loo sameeyey ardaydii Jaamacada Benadir ee ku naf waysey qaraxii 28-kii bishii Disembar ee sanadkii hore ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho Munaasabad iskugu jirtay baroordiiq iyo duco loo sameeyey ardaydii Jaamacada Benadir ee ku naf waysey qaraxii 28-kii bishii Disembar ee sanadkii hore ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Jaamacada Benadir ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan goleyaasha Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, waalidiinta iyo ehelada ardaydii ku geeriyootay qaraxaas, masuuliyiinta Jaamacada, aqoonyahano iyo xubno kale. Qaraxan oo guud ahaan ay ku dhinteen dad ka badan 90 qof iyo dhaawac intaas ka badan ayaa waxaa dadkii naftooda ku waayey ka mid noqday arday ka tirsaneyd Jaamacada Benadir oo xiligaas ku sii jeeday goobahooda waxbarashada sida uu sheegay guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof.Dr. Maxamed Maxamuud Xasan Biday oo munaasabadaas ka hadlay, isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey tirada ardayda ay waxyeeladu soo gaartay iyo talaabooyinka uu qaaday Maamulka Jaamacadda. "Dhibaatada ka dhalatay qaraxaas waxay si guud u taabatay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacada Benadir oo ay kaga geeriyoodeen 16 arday oo iskugu jiray 11 gabdhood iyo 5 wiil, waxaana kaga dhaawacmay 18 arday oo iyana iskugu jiray 15 gabdhood iyo saddex Wiil, waxaana 12 ka mid ah dhaawacooda daweyn loogu qaaday dalalka Turkiga iyo Qadar, waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoysaska ay ka soo jeedaan ardayda naga geeriyootay, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryeynaa inuu u boogga dhayo" ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaa ku daray in qaraxaas uu saameyn dhinaca maskaxda ku yeeshay ardaydii ay isku fasalka ahaayeen kuwa geeriyooday. Dr. Biday ayaa intaas ku daray in markii ay dhacday mashaqadan ay masuuliyiinta jaamacadu qaadeen talaabooyin loogu gurmanayo ardayda waxyeeladu soo gaartay oo uu sheegay iney ahaayeen dhalinyaro dedaal culus ugu jiray iney wax bartaan, waxna taraan dadkooda iyo dalkooda balse geeriyooday iyagoo aan xaqiijin hadafkii ay nolosha ka lahaayeen. "Waxaan booqanay qoysaska ardayda geeriyootay oo aan ugu tagnay guryahooda si aan ula qeybsano murugada iyo tiiraanyada, qoysaska intooda badan waxaa ka muuqatay duruufo nololeed oo aad u adag oo la daalaa dhacayey bixinta kharashka waxbarashada ubadkooda, Jaamacadu waxay abuureysaa sanduuq samafal oo fursad u siinaya waalidiinta ardayda geeriyootay iney keensadaan arday kalae oo wax loogu baro si lacag la'aan ah, sidoo kale waxaan qorsheynay in ardayda dhaawaca ah loo dhameystiro waxbarashadooda, iyadoo qarashkooda laga dabooli doono sanduuqaas" ayuu yiri gudoomiyaha oo ka codsaday qeybaha bulshada, gaar ahaan ganacsatada, shirkadaha iyo dadka muxsiniinta ah iney qeyb ka qaataan sidii qorshahaas uu u guuleysan lahaa, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey dhamaan shaqsiyaadkii iyo heyadihii ka qeyb qaatay gurmadka ardaydii waxyeeladu soo gaartay. Senator Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay tacsida ka sokow in loo baahan yahay garab istaag iyo taageero in loo muujiyo qoysaska ay ka baxeen ardayda geeriyootay, wuxuuna xusay inuu aad uga naxay dhibaatada dhacday oo uu sheegay iney tahay mid uurkutaalo leh oo aan ka go'i doonin quluubta shacabka Soomaaliyeed. Wasiir dowlaha Wasaarada waxbarashada iyo hidaha iyo tacliinta saree ee DF oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ardayda geeriyootay aysan ka bixin oo kaliya waalidiintii dhalay iyo jaamacada Benadir balse ay ka baxeen bahda waxbarashada, isagoo xusay in wasaarada Waxbarashada ay kaalin wanaagsan ka qaadatay gurmadka loo fidiyey ardayda qaraxa ku saamoobay, wuxuuna jaamacada Benadir ku amaanay sidii ay u garab joogsatay qoysaska ay dhibaatadu taabatay. Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi oo gebagebadii munasabadan ka hadlay ayaa sheegay iney tacsida iyo murugada la qeybsanayaan qoysaska ardayda dhibaatadu soo gaartay oo uu sheegay iney ahaayeen arday hamigoodu ahaa iney bulshadooda wax u qabtaan. "Waa arrin naxdin leh oo nasiib daro ah in wiilkaaga ama gabadhaada oo saaka aad waxbarasho u dirtay in laguu soo celiyo meydkiisa, iyadoo aysan jirin cid uu wax ka galabsaday, waxayna ka mid tahay dhacdadan dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira oo loo baahan yahay in bulshada oo kaashanaya dowladooda ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa, waana markii labaad ee Jaamacadda Benadir ay soo gaarto dhibaatadan oo kale, adkeysiga ay muujiyeen waa mid mudan in lagu amaano, ha niyad jebina dedaalkiina meesha ka sii wada" ayuu yiri Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ILAAHAY uga baryey ardayda geeriyootay inuu janadii ka waraabiyo qoysaskii ay ka baxeena siiyo Samir iyo Iimaan ka siiyo. Munaasabadan ducada ah oo ku dhamaatay jawi wanaagsan ayaa waxaa sidoo kale intii ay socotay ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Dekedaha Cismaan Daallo, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Benadir Maxamed Xasan Cumar iyo xubno kale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip