Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay qarixii ka dhacay isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho

0
Wednesday January 08, 2020 - 21:44:07 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay qarixii ka dhacay isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho

    Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, 6 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagusoo xiray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen dad shacaba oo wadada m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, 6 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagusoo xiray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen dad shacaba oo wadada marayay iyo kuwa gaadiidkooda ku jiray oo ku sugnaa goobta wax lagu baarayay. Isgoyska Sayidka ayaa kamid ah baraha la sugo ammaanka madaxtooyada Soomaaliya, loomana ogola in gaadiid aan baaritaan lagu sameyn oo la hubin inuu ka gudbo halkaas. Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in waqtiga qaraxu dhacayay ay goobtu ahayd mid mashquul ah oo gaadiid badani ku jireen safka baaritaanka. Afhayeenku waxaa kale oo uu sheegay in laamaha xaqiijiyeen in qaraxu uusan ahayn gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa, balse uu ahaa gaari lagusoo xiray qarax, hase yeeshee aan la ogayn cidii iska lahayd. Waxaa uu ku eedeeyay ururka Al-shabaab inay awoodoodii kagasoo hortay inay malin walba shacabka qarxiyaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip