Mustaqbalkaaga aadan Aqoon!!!.

0
Tuesday January 07, 2020 - 15:41:04 in Wararka by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbalkaaga aadan Aqoon!!!.

    Burcad Batrol ayaa iskaashatay, Ogoow 5 Sanno kadib marka shidaalka la soo saaro iyada oo lagu dhaqmayo (Sharciga Shalay la ansixiyay). Qoyska Somaligu celcelis ahaan 3 jeer ayuu ka sii faqrisanaan doonaa sida uu maanta yahay. Musuq maasuqa iyo shaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burcad Batrol ayaa iskaashatay, Ogoow 5 Sanno kadib marka shidaalka la soo saaro iyada oo lagu dhaqmayo (Sharciga Shalay la ansixiyay). Qoyska Somaligu celcelis ahaan 3 jeer ayuu ka sii faqrisanaan doonaa sida uu maanta yahay. Musuq maasuqa iyo shaqa la'aanta ayaa 6 jibaarmi doono. wadanku waxa uu yeelan doonaa 70-80 hogaamiye kooxeed Shidaal oo Caruurtoodu ey ka dhaxlaan hogaamie nimada, Dabaqado dhaqaale oo aad u kala fog ayaa jiri doono.

Is Dilka iyo Dagaalada Gudaha ayaa aad loo yareeynayaa. Nabadda Qofku helayo ayaana lagu bedelayaa Xuriyada Qofka, laakin ma jiri doonto haba yaraatee Xuriyadda Qofku dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, Aqoonta, fekerka. Shirkado caalamiya iyo dilayaal Ajnabi ah ayaa howshaa fulinayo.

Haddii khald dhaco,wadanka ayaa dib loo burburin doonaa, si mar kale loogu hago wadadii lala damacsanaa.

Waa sida aan ka aragnay waaya aragnimada heshiisyada nuucaan ah iyo Culuunta dhaqaalaha Caalamiga ah. Runta ha inkirin, God iyo Ninkiis lama kala qariyo.


Aqoonteeyda gaaban ayaa sidaa ii muujinee, Qorshahaa waa naloo dajiyay Golayaasheenuna waa ansixiyeen.
Qoraalkaan Dib u Aqri 10 Sanno kadib, markaa ayaad aamini doontaa.

la soco Qoraalada Dambe: faahfaahinta iyo wadadda loo mari doono, iyo sida tan oo kale mar hore Africa looga hirgaliyay. ogow kani waa Wadankeyga.

NB: Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax,wixii ka dhiman ku dar.


Qore :Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip