Maraykanka Oo Ka Hadlay Heshiiska Ahlu-Sunna Iyo Dowladda

0
Thursday December 12, 2019 - 21:38:17 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Ka Hadlay Heshiiska Ahlu-Sunna Iyo Dowladda

    Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Y. Yamamoto ayaa ka hadlay heshiiskii laga gaaray khilaafkii waqtiga dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeyay dowladda fesraalka Soomaaliya iyo Culamaa'uudiinka Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo la xiriiray tira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Y. Yamamoto ayaa ka hadlay heshiiskii laga gaaray khilaafkii waqtiga dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeyay dowladda fesraalka Soomaaliya iyo Culamaa'uudiinka Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo la xiriiray tirada xildhibaanada ee ay dalbadeen Ahlu-sunna,waxaana uu soo dhaweeyay heshiiskaas. Safiirka Marakanka ee Soomaaliya war-saxaafadeedka uu soo saaray ayuu ku sheegay sheegay in Dowladda Mareykanka ay mar kasta ka go'an tahay inay taageerto heshiisyada noocaan oo kale ah isla markaasna ay hubiso hirgelintooda si loo gaaro nabad iyo Xasillooni siyaasadeed oo ka hirgasho gudaha dalka Soomaaliya. "Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab"ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. "Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska" Ayuu yiri.Donald Yamamoto Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan tanaasulka adag oo ay sameeyeen Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qeybsiga Xubnaha Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay labada dhinac inay hirgeliyaan heshiiska si looga dhabeeyo dhismaha Galmudug loo dhanyahah. Donald Yamamoto ayaa ugu dambeyntii xusay in dowladda Mareykanka ay ka go'an tahay inay fududeyso gargaarka bini'aadanimo, kaalmada Amniga iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug maadaama uu sheegay in gobolkaas yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya. " Ugu dambeyn Donald Yamamoto ayaa sheegay in Galmudug uu yahay gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go'an fududeynta gargaarka bini'aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug" ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa. Hadalkaan kasoo baxay Yamamoto ayaa kusoo aadayo xilli Maanta ay Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna heshiis ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada Galmudug iyadoo Ahlu Sunna loo ogolaaday inay soo xulaan 20 ka tirsan Xildhibaanada Galmudug





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip