Degmo ku taalla Jubbaland oo Saddex bilood go'doon ah

0
Thursday December 12, 2019 - 10:06:32 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmo ku taalla Jubbaland oo Saddex bilood go'doon ah

    Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbadda Hoose ayaa Go'doon ku jirta Muddo Saddex bilood ah sidda ay sheegeen maamulka iyo qaar ka mid ah Ganacsatadda degaanka. Qaar ka mid ah Ganacsatadda Magalada Dhoobley ayaa sheegay in Saddexdii Bilood ee l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbadda Hoose ayaa Go'doon ku jirta Muddo Saddex bilood ah sidda ay sheegeen maamulka iyo qaar ka mid ah Ganacsatadda degaanka. Qaar ka mid ah Ganacsatadda Magalada Dhoobley ayaa sheegay in Saddexdii Bilood ee lasoo dhaafay degmada ay ka da'een roobab Mahiigaan ah oo Sababay in inta badan ay xirmaan Wadooyinka. Waxaa ay sheegeen in Nolosha dadka degaanka ay halis ku jirto,islamarkaana loo baahan yahay in loo gurmado oo la furo Wadooyinka ay xireen roobabka. Gudoomiyaha Dhoobley Siyaad Maxamed ayaa sheegay in Muddo Saddex Bilood wax gadiid ah aysan Magaalada Imaan marka laga reebo waxyaabo diyaarado lagu keeno. Gudoomiyaha ayaa xusay in nolosha dadka ay halis ku jirto,maadaama Cuntada ay ciriiri gashay oo la waayay meel Maciishadda lasoo marsiiyo. Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo sameynaayo Shacabka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip