Lix eedeysane oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla Beledweyne

0
Saturday December 07, 2019 - 21:25:03 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lix eedeysane oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla Beledweyne

    Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Qeybta 27-aad ayaa maanta u fariisatay dhageysigii labaad dacwad loo heysto Lix qof oo ku eedeysan ku lug lahaanshaha dilka Taliyahii qeybta Boliiska gobolka Hiiraan ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Marxuun Maxam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Qeybta 27-aad ayaa maanta u fariisatay dhageysigii labaad dacwad loo heysto Lix qof oo ku eedeysan ku lug lahaanshaha dilka Taliyahii qeybta Boliiska gobolka Hiiraan ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Marxuun Maxamed Macoow Xallane. Dhageysiga dacwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar kamida bulshada magaalada Baladweyn, madaxda iyo howl wadeenada maxkmada. Xafiiska xeer ilaalinta maxkmada ayaa dalbaday in eedeysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhiganta gabood falkii ay geysteen. Gaashaanle Maxamed Cabdulle Aadan gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad oo fadhiga maxkmada soo xiray ayaa sheegay in maxkamadu go'aan ka soo saari doonto xukunka eeda loo jeediyay ragaani.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip