Madaxweyne Xaaf oo baaq kasoo saaray dagaal ka dhacay Mudug

0
Friday December 06, 2019 - 19:20:13 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xaaf oo baaq kasoo saaray dagaal ka dhacay Mudug

    Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si deg deg ah ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaan hoos yimaada degmada Afbarwaaqo in ay dagaalka joojiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si deg deg ah ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaan hoos yimaada degmada Afbarwaaqo in ay dagaalka joojiyaan.

Madaxweyne Xaaf oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la kaashan doonaan joojinta dagaalkaasi,islamarkaana Ciidamo ka tirsan Galmudug loo diri doono goobta uu dagaalku ka dhacay

Waxaa uu tilmaamay Madaxweyne Xaaf in ay nasiib daro tahay in maanta dagaallo ka dhacaan degaanada Galmudug, waxaana uu sheegay in ay dadaal badan ku bixiyeen nabadgaliyadda gobolka Mudug.

Waxaa xaalad deganaansho ah maanta laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Mudug oo uu shalay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac geysatay uu ku dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka oo ka dhacay degaanka Ina diideey oo ku yaalla degmada Afbarwaaqo ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 15 ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip