Taliyihii Booliska Gobolka Nugaal oo Shaqada laga joojiyey

0
Wednesday December 04, 2019 - 09:08:58 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Booliska Gobolka Nugaal oo Shaqada laga joojiyey

    Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu Shaqada ka joojiyey Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire. Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu Shaqada ka joojiyey Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire. Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa wareegto uu Shaqada uga joojiyey Taliyaha u gudbiyey Madaxweynaha Puntland,taas oo uu ku xusay in uu sameeyey amar-diido. Ilo xog-ogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Shaqa joojintaan ay ka dambeeysay khilaaf maalmihii la soo dhaafay ka dhaxeeyey taliyaha Booliska Puntland iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal. Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in bilihii la soo dhaafay aysan dhex-marin labada taliye wax wadashaqeyn ah,taas oo sababtay in Shaqada laga joojiyo Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip