Aqalka Sare oo ansixiyay waxka bedelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka
Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyiillay golahasi.
Kulankaan ay maanta yeesheen xubnaha golaha sare oo ahaa kii 20-aad ee Kalfadhiga 6aad ayaa waxaa shir Guddomiyay Guddomye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .
,Golaha Aqalka sare BFS ayaa ansixiyey wax-ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka ka,kaas oo ay u odeeyeen ama ay ogolaadeen 30 senatar.
Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha golahaasi u so gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi.
Golaha Sare ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxa uu waday kulamo lagu ansixinayo sharciyo dalka ka jira.
Aqalka Sare oo ansixiyay waxka bedelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka
Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyiillay golahasi. Kulankaan ay maanta yeesheen xubnaha golaha sare oo ahaa kii 20-aad ee Kalfadhiga 6aad