Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo baaq u diray Madaxda Dowladda

0
Tuesday December 03, 2019 - 20:34:54 in Wararka by
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo baaq u diray Madaxda Dowladda

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug dhibaato ba'an ku haaya Xayawaanka AYAXA,kaas oo ku duldagay deegaanada Galmudug,,isla markaana daaqii xaalufiyay,waxaana dhibaatadaas baaq kazoo saaray Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug dhibaato ba'an ku haaya Xayawaanka AYAXA,kaas oo ku duldagay deegaanada Galmudug,,isla markaana daaqii xaalufiyay,waxaana dhibaatadaas baaq kazoo saaray Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ah musharixiinta Galmudug ayaa sheegay in dadka reer Galmudug gaar ahaan Beeraleyda uu dhibaato ku haayo AYAXA loona baahan yahay in wax laga qabto. Waxaa uu sheegay in AYAXA uu xaalufiyey dhul daaqsimeed farabadan oo dadka beeraleyda ay ay beerteen,isla markaana ay cabasho u soo gudbiyeen dadka uu matalo ee reer Galmuudg. Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayuu ugu baqay Madaxda dowlada federaalka iyo hay'adaha caalamiga in ay gargaar la gaaraan dadka reer Galmudug si loo badbaadiyo nolosha dadka xoola dhaqatada ah ee AYAXANI dhibaatada ba'an ku hayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip