SAWIRO:-Dowladda oo bilaawday Imtixaanka Ruqsad bixinta Nootaayanimada

0
Tuesday December 03, 2019 - 20:26:14 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Dowladda oo bilaawday Imtixaanka Ruqsad bixinta Nootaayanimada

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay Imtixaanka Ruqsada bixinta Nootaayanimada, kaas oo ay imtixaan u galayaan ku dhowaad 40 qof oo doonaya in ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay Imtixaanka Ruqsada bixinta Nootaayanimada, kaas oo ay imtixaan u galayaan ku dhowaad 40 qof oo doonaya in ay helaan Ruqsada Nootaayanimada Dalka. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, ayaa tilmaamay in Imtixaankaan uu ku soo aadaayo muddo 30 sano ah kadib in lagu hirgaliyo si hufan oo loo siman yahay. Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay Guddiga soo diyaariyay imtixaanka oo ka koobnaa ilaa iyo 3 hay-adood oo kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Maxkamadda Racfaanka iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale ayaa wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji, kula dar-daarmay, sharciyaqaanada nasiibka u helay in ay galaan Imtixaanka maanta, hadii ay ku guuleystaan ay masuuliyadda hantida ummadda ay amaano ku tahay madaama ay dukumiintiyo muhiim ah ay u kala wareejinayan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna muhiim tahay ilaalinta bad-qabkooda in la ilaaliyo laguna ilaaliyo sifo sharciga waafaqsan. Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ku yaalla Notaayooyin farabadan,kuwaas oo dadka Soomaaliyeed si caadi ah ugu kala wareejiya Dukumiintiyo,Dhul, Beero iyo kuwo kale.

  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip