Askari lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb

0
Tuesday December 03, 2019 - 20:21:37 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb

    Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada ka howlgalla Magaaladaas,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada ka howlgalla Magaaladaas,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyey askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda,kaddib markii labada askari uu muran soo kala dhex-galay,isla markaana mid kamid ah askarta uu midkii kale dhowr xabadood ku dhuftay. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in askarigii dilka u geystay askariga kale ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Amniga ku sugan Magaalada,isla markaana haatan uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska Dhuusamareeb. Laamaha Amniga Dhuusamareeb weli kama hadlin falka dilka Askariga ah ee Maanta ka dhacay Magaalada,waxaana dilkaasi uu kusoo aadayaa xilli amniga Magaalada siweyn loo adkeeyey lana filayo inay ka dhacaan doorashooyinka hoggaanka Galmudug.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip