Siminaar ku saabsan Ammaanka oo Nairobi uga Furmay Suxufiyiin ka Socda Somalia iyo Itoobiya

0
Monday September 28, 2015 - 20:33:15 in Wararka by
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siminaar ku saabsan Ammaanka oo Nairobi uga Furmay Suxufiyiin ka Socda Somalia iyo Itoobiya

    Waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Maanta ka furmay Siminaar ku Saabsan Amaanka Saxafiga oo ay ka Qayb-galayaan wariyayaal ka kala socdo Dalalka ku yaallo Bariga Afrika, sida Itoobiya iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Maanta ka furmay Siminaar ku Saabsan Amaanka Saxafiga oo ay ka Qayb-galayaan wariyayaal ka kala socdo Dalalka ku yaallo Bariga Afrika, sida Itoobiya iyo Soomaaliya.
 Waxaana aqoon kororsigaan oo socon doono mudo isbuuc ah soo qaban qaabisay Hay’adda IREX. Iyadoo casharadana ay bixinayaan Macallimiin ka tirsan hay’adda Warbaahinta Kenya ee Standard Group.



Tababarka ayaa inta uu socdo waxaa lagu baran doonaa casharo la xiriira sida suxufiyiintu ay oga shaqeyn karaan goobaha colaaduhu ay ka jiraan, isla markaasna ay gar gaar dag-dag ah ugu sameyn karaan hadii uu dhaawac ama wax-yeelo ay soo gaarto saxafiga kale ee la shaqeynaayo.

Ka hortaga isku’dayga Waxyeelleynta iyo Baabbi'inta Xogtaada ee Weerarka Internet-ka, ayaa Qayb ka ah Waxyaabaha lagu baran doono Aqoon-kororsigaan. Waxaana Sidoo kale Wariyayaashu ay baran doonaan sida ugu fudud ee ay uu isticmaali karaan Aalladdaha Digital-ka iyo agabyada kala duwan ee Warbaahinta.

Mahad Cumar Diiriye oo ah xoghayaha guud ee Ururka SEJNAS ayaa sheegay in ahmiyad weyn uu Tababarkaan u leeyahay Wariyayaasha, isagoona sheegay in hay’addoodu ay ku dadaali doonto sidii Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen aqoon-kororsiyo badan.

"Ka SEJNAS ahaan waxaan mar kasto xil iska saaraynaa inaan la dagaalano aqoon darada Wariyayaasha, Waxaana Tababarkaan loogu tala-galay in ay ka Faa’iidestaan Saxafiyiinta bariga Africa” ayuu yiri Xog-hayaha guud ee SEJNAS.

Dhanka kale, Ubax C/nuu Cismaan (Ubax Sagal) oo kamid ah wariyayaasha Soomaaliyeed ee ka Qayb-galaaya Siminnaarkaan, ayaa HOL u sheegtay in ay aad ugu Faraxsan tahay ka Qayb-galka Aqoon-kororsigan, iyadoo Tibaaxday inay faa’iidooyin badan oo dhanka mih-nadeedda ay ka heli doonto.

Si kasta ha ahaatee Magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, ayaa waxaa ku nool Wariyayaal badan oo ka soo cararay Dhibaatooyinka ka jiro Waddamadooda oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Koonfurta Sudan oo horay loogu wax yeeleeyay Saxafiyiin badan. Waxaana wariyayaashaas ay sheegeen iney u baahan tababaro badan oo ay kor ugu qaadaan aqoontooda Saxaafadeed.

XIGASHO:-HIIRAAN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip