"BIIBTO " Waa howl adag oo dulqaad kaaga baahan inaan Muqdisho ku daabacdo Wargeys 26-sano jirsaday

0
Thursday November 14, 2019 - 16:33:51 in Wararka by
  • Visits: 1105
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "BIIBTO " Waa howl adag oo dulqaad kaaga baahan inaan Muqdisho ku daabacdo Wargeys 26-sano jirsaday

    Iyadoo sanadba sanadka ka dambeeya uu sii yaraanayo akhriska Soomaalida oo u batay inay dhageysiga iyo muuqaalada guud ahaan dalka Soomaaliya u guuraan, taasoo hoos u dhac weyn ku keentay wargeysyadii ka soo bixi jiray magaalada Muqdisho, iyadoo arri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo sanadba sanadka ka dambeeya uu sii yaraanayo akhriska Soomaalida oo u batay inay dhageysiga iyo muuqaalada guud ahaan dalka Soomaaliya u guuraan, taasoo hoos u dhac weyn ku keentay wargeysyadii ka soo bixi jiray magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaasi ay sii kordhisay kaddib markii ay soo kordheen dadka isticmaalaya Internet-ka.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka soo baxa wargeysyo tiro yar, kuwaasi oo loo iib geeyo goobo cayiman, halkaasi oo dadka akhrista ay ka iibsadaan halka kuwa daneeya akhriskana loogu geeyo goobaha ganacsiga iyo guryahooda.

Xabiibo Axmed Jimcaale milkiilaha Wargeyska Mogadishu Times ayaa ka warbixisay marxaladihii kala duwanaa ee ay ka soo martay howlaha wargeyskaasi, waxayna sheegtay in tobankii sano ee ugu dambeysay shaqadooda hoos u dhac weyn ku yimid kaddib markii ay yaraadeen dadka wax wakhriya.

"Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dalku galay burburka waxaa jiray in warbaahintana wajahayeen marxaladaha uu marayo dalka” ayay tiri Xabiiba Axmed Jimcaale oo sheegtay in taasi sababtay wargeysyo fara badan in la joojiyo gebi ahaanba kaddib markii duruufta lagu shaqeynayo u adkeysan waayeen.

Waxay sheegtay Milkiile Biibto inuusan jirin dhaqaale badan, taasi oo marmar noqota caqabadda ugu weyn inuu ku dhowaado inuu hakad ku yimaado howlaha wargeyska, hase yeeshee waa Alle mahadiis dadaal badan iyo dhabar adeyg badan kaddib 26-sano mareyno.

"Waa howl adag oo dulqaad kaaga baahan inaad Muqdisho ku daabacdo Wargeys 26-sano jirsaday” ayay tiri Xabiibo Axmed Jimcaale oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu horeeya ee aan ka rajo dhigin mihnadeeda saxaafadeed iyo inay joojiso wargeyska.

Haweeneyda birta ah ayaa sheegtay in haatan uu kor u soo kacayo dadka wax akhrista bacdamaa dalka ka soo hagaagayo sidii hore, taasi oo sababtay kaddib markii ay dib u soo laabteen dadkii ka cararay dalka.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip