Wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ayuu waxaa uu faah faahin kaga bixiyay safarkoodii Beledweyne iyo hadal ka soo yeeray Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kaasoo dood weyn dhaliyay.

Waxaa uu sheegay insafarkoodii magaalada Beledweyne ee xayiraadda la kulmay ay sabab u ahayd iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu doonayey inuu tago magaalada Beledweyne, sidaasina halis loo geliyey naftooda, oo lagu doonayey in diyaaradaasi uu shidaalka ka dhammaado, kadibna dadka saaran lagu waayo, taasoo ahayd ku talagal ay ka dambeysay laanta fulinta dowladda Soomaaliya, sida uu yiri.

"Arrin nafteena khatar lagu geliyay ayay aheyd, waxa ugu yar oo meeshaas laga damacsanaa waxay aheyd in diyaaradda shidaalka goosato, intaas oo dad Soomaaliyeed oo madax isugu jirta oo diyaaradda saarnaa meeshaas lagu waayo, waa arrin na taababatay oo qar iska tuurnimo nalagu sameeyay ayay aheyd, diyaaradda waa ogtahay 45 daqiiqo ayay u socotaa Beledweyne, anaga labo saac ku dhow ayaa hawada ku jirnay, shidaalka ayay goosan kartay, waa ku tala gal aan u tiirineyno inay ka dambeysay laanta Fulinta ayay aheyd”ayuu yiri Xildhibaan Suleymaan.

Mar wax laga weydiiyay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif oo ahaa inuu dalka ka saarayo dowladda hada jirta ayuu sheegay in hadalkaas laga soo qaatay qeyb ka mid ah oo la buun buuniyay, taasna ay tahay arrin nasiib darro ah.

"Nin waliba meeshii uu daneynayey ayuu uga faa’iideystay. Qof diyaarad laga ridi gaaray ama dad la halaagi gaaray ayaa hadal nagu yiri.. waa mas’uuliyadda darro iyo ixtiraam darro.. waana boor isku qaris khudbad dheer oo meelo badan ka hadleysay laga soo qaato kalmad yar” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Himilo oo sheegay in ujeedo qaloocan laga leeyahay hadalka.

"Waxaa la soo qaatay Itoobiyaan.. Mooryaantii iyo Al-Shabaab oo dalka laga saaray.. dowladda xoog kuma imaan waxayse dowladda kooxdaasi ka shabaheysaa markii ay awood iyo ciidan adeegsadaan oo ay ka tagaan sharcigii lagu xaq dhowrayey, waxayna la mid noqonayaan kuwii sharci darrada ku dhaqmayey ee dagaal-oogayaasha, shabaabka iyo Itoobiyaanka… inta ay sharciga dhowrayaan waa dowlad la wada leeyahay..” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Himilo oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay kharash badan ku bixisay qaloocinta hadallada iyo dad ay u adeegsato.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda aan ku dhaqmin sharciga ay dadka iska tuuri karaan iyagoo adeegsanaya qaabab kala duwan, sida kacdoonkii dalka Suudaan ee xukunka looga tuuray Cumar Al-Bashiir, iyadoo sidoo kale uu tilmaamay in loo mari karo Baarlamaanka iyo halgan