Qodobadan hoosta ku qoran aqriso,haddaad ka mid noqoto Allah ka baq kana fogow

0
Sunday February 21, 2016 - 10:49:37 in Maqaallo by
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobadan hoosta ku qoran aqriso,haddaad ka mid noqoto Allah ka baq kana fogow

    Saxiixul Bukhaari lambar 6069 iyo saxiixu Muslim lambar 2990waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Hureyra Allaha ka raalli noqde,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:ummaddeyda oo dhan waa la cafiyay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxiixul Bukhaari lambar 6069 iyo saxiixu Muslim lambar 2990waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Hureyra Allaha ka raalli noqde,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:ummaddeyda oo dhan waa la cafiyay,

kuwa munkarkooda ama fuxshigooda la jahrayo mooye,macnaha kuwa munkarkooda bannaanka soo dhigaya oo ku faanaya,waxyaabaha lala jahrayo waxaa ka mid ah:in ninka uu habeenkii sameeyo camal, markuu waaga baryana,Allahna ka asturay wixii uu sameeyay,ayuu oranaya:hebelow,xalay waxaas iyo waxaas baan sameeyay,Allah wuu asturay markuu waaga baryana,wuxuu daaha ka qaadaya wixii uu Allah ka asturay.

Ruuxa la jahrayo waxyaabaha uu Allah reebaykuna sameynaya dadka hortooda ama ka sheekaynayo,kaasi ma’ahan kan la cafinayo,maxaa yeelay naftiisa wuxuu u soo jiiday hoog iyo khasaare,sidaas oo kale ayuu ghayrkiisana u soo jiiday hoog iyo khasaare,sababta uu naftiisa ugu soo jiiday hoogga waxay tahay isagoo dulmiyay naftiisa,maxaa yeelay wuxuu ku caasiyay Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu caleyhi wasallama,sababta uu ghyarkiisa ugu soo jiidayna hoogga waxay tahay,marka ay dadku arkaan munkarkii oo hortooda lagu sameynayao,waxaa dhici karta in ay nafsaddooda u qurxiso kaddibna ay sameeyaan ficilkaas oo kale.

Waxyaabaha lala jahrayo oo uu qofku munkarkiisa ama fuxshigiisa bannaanka u soo dhigayo,waxaa ka mid ah:

-U yeeridda dadka loogu yeerayoin diimaha la mideeyo,taas oo u dhiganta in la saxo caqiidada gaallada,macnaha in la yiraahdo diimaha oo dhan waa isku mid,Allah wuxuu yiri: diinta Allah xaggiisa laga aqbalayo waa islaamka (suuradda Aali Cimraan,aayad lambar 19), Allah wuxuu yiri:qofkii raaca diin aan ahayn diinta islaamka lagama aqbalayo,aakhirana wuxuu ka mid yahay kuwa khasaaray (suuradda Aali Cimraan,aayad lambar 85),Allah wuxuu kaloo yiri:maanta ayaan idin dhammaystiray diintiina,waxaana idin taam yeelay nicmadeyda, waxaana raalli idinkaga noqday islaamka diin ahaan (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 3).

-Dabbaaldegga loo dabbaaldegayociidaha gaallada,laguna iclaaminayo wargeysyada iyo tvyada,sida dabbaaldegga ciida christmas,sannadka cusub,maalinta jacaylka,ciidda hooyada, iyo wixii la mid ah,islaamkuna sida la ogsoon yahay wuxuu leeyahay,labo ciidood oo kala ah: ciidda sonfur iyo ciidda arrafo.

-In la isku ekaysiiyoama lagu daydo ficilada ay gaallada samaynayaan,sida qaabka ay timaha u jartaan,musnadka Axmed iyo sunnooyinka abu Daawuud waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii qoon ama ummad isku shabbaha isaguna waa la mid,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixul jaamic lambar 6149.

-In haweenayda ay gaari raacdoama ay la korto nin keligiisa saaran dadkana ay la dhex marto,ninkaasuna aanu ahayn ninkeeda ama aabbaheeda ama maxramkeeda,sidoo kale in haweenayda ay la shaqayso nin dukaan gadaya ama ninkii iyo naagtiiba dhex mara xiriir ganacsi ah ama in naagta ay keligeed safarto iyada oo aan la socon maxramkeeda,musnadka Axmed iyo sunnooyinka Tirmidi waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay Cumar bin Khadhaab Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: haddii nin iyo naag meel isku keliyaystaan shaydaankuna wuu u saddexeeya,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay mishkaatul masaabiix lambar 3054.

-In haweenayda ay dibedda u soo baxdoiyadoo isa soo marisay ama ay isku soo carfisay barafuun ama cadar,ibnu Khuzeyma iyo ibnu Xibbaan waxaa saxiixooda ku xusan in abu Muusa Allaha ka raalli noqde uu yiri,in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: haweenaydu haddii ay isa soo carfiso,markaana ay soo dhex marto qoon ayna ka carfiyaan wixii ay isku soo carfisay waxay noqotay dhillo,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay saxiixul jaamic lambar 323.

-In dadka hortooda sigaarama shiishad lagu cabbo ama qaad lagu cuno,Allah wuxuu yiri: kuwii xaqa rumeeyay,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa rumeeyay wax ka cuna waxyaabaha wanaagga ah oo aan idinku arzuqnay,kuna mahdiya Allah,haddii aad tihiin kuwa isaga caabuda (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 172).

-In ragga ay dheereeyaan surwaaladaama macaawisyada ay xiran yihiin,kana hoos mariya canqawgooda,taasina waxaa ku soo aroortay axaadiis fara badan oo wada saxiix ah oo xaaraantimeynaysa arrinkaasi.

-In ragga ay xiiraan garkoodashaaribkana ay sii daayaan ama ay labaduba xiiraan,kan iska xiirayo iyo kan dadka garka u xiiraayo waa isku denbi,axaadiista mamnuuceysa in garka la xiiro waa wada amar,amarkuna wuxuu tilmaamaya waajibnimo,sidaas bayna ku tageen jumhuurka culumada iyo dhammaan a’imada madaahiibta.

-Ragga iyo dumarkaoo dhar gaaban xirta si ay u muuqato cawradooda ama dumarka ay qaataan surwaalo ku dheggan ama in la xirto funaanado ku sawiran dad qaawan i.w.m.

-In laga shaqeeyo bankiyadaku shaqeysa ribada,Allah wuxuu yiri:kuwii xaqa rumeeyay, macnaha kuwii Allaha iyo rasuulkiisa aaminay,Allah ka baqa,kana taga waxa haray oo ribada ah,haddaad tihiin dad mu’miniin ah,haddii aydan sidaas samayn,ogaada dagaal Allah iyo rasuulkiisa,macnaha isku diyaariya in aad dagaal la gashaan Allah iyo rasuulkiisa (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 278 iyo 279).

-In laga shaqeeyodukaanada lagu iibiyo waxyaabaha xaaraanta ah sida:CDyada ku duuban heesaha iyo muusikda ama in laga qaybgalo xafladaha lagu soo bandhigayo heesaha ay isla heesayaan ama ay isla cayaarayaan nimanka iyo naagaha.

-In ay gacanta is geliyaanama ay laabta isa saaraan nin iyo naag aan is qabin,macnaha kala ajnebi ah,rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri:anigu gacanta ma geliyo haweenka,xadiiskan waxaa sunnooyinkooda ku soo saaray ibnu Maaja iyo Nasaa’i,waxaana soo werisay Umayma binti Ruqeyqa,sheekh Albaanina wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay saxiixul jaamic lambar 2513.

-In saaxiib ama rafiiq laga dhigtoqof munaafiq ah ama sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ka fog,sunnooyinka abu Daawuud iyo Tirmidi waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Saciid,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:hala saaxibin qof mu’min ah mooye,cuntadaaduna yuusan cunin qof taqi ah mooye,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku taxsiiniyay saxiixul jaamic lamabar 7341.

-In loo bareerodadka aflagaaddadooda iyo caydooda iyo wax ka sheeggooda,saxiixul Bukhaari lambar 6044 iyo saxiixu Muslim lambar 64 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay ibnu Mascuud,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:cayda qofka muslimka ah waa faasiqnimo,dilkiisana waa gaalnimo.

Waxyaabaha xaaraanta ah oo lala jahrayo waxaa kaloo ka mid ah:

-In qofka uu sheekadiisaoo dhan ka dhigo dadka xantooda,ceebayntood iyo isku dirka dadka.

-In la soo daliilsadoaxadiis daciif ah ama kuwo been abuur ah dadkana looga dhigo sidii axaadiis saxiix ah oo kale.

-In la iska daayo raalli gelintaAllah,laguna mashquulo raalligelinta dadka.

-In lagu jeesjeeso dadkasunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ka muuqda.

-In haweenayda ay ka qaybgashoxaflad kasta oo ay niman joogaan sida baroordiiqda, aroosyada,soo dhoweynta,macasalaamaynta iyo wax la mid ah.

-In ragga iyo dumarka ay sawiro iskaqaadaan kaddibna ay ku faafiyaan baraha lagu sheekaysto sida facebookyada iyo wixii la midka ah.

-Labada is qabta oo ku heshiiyafuritaan been ah si ay u qaataan labo lacagood oo caydh ah, arrintani waxay ka dhacda kuwa jooga arloda aan islaamka ahayn sida:Ingiriiska,Holland iyo kuwa la midka ah.

-Khadhiibka dadka u wacdinayoama imaamka dadka ka bixinayo salaadda ama madax u ah xarun islaameed,haddana aan is waafiqin qowlkiisa iyo ficilkiisa.

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa inoo markale iyo mowduuc kale haddii Allah idmo

Den Haag/Holland

xigasho:-somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip