Booliska Nairobi oo raadinaya Libaaxyo ka soo baxsaday Xarunta Duurjoogta ee Kenya (SAWIRRO)

0
Saturday February 20, 2016 - 10:40:37 in Wararka by
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Nairobi oo raadinaya Libaaxyo ka soo baxsaday Xarunta Duurjoogta ee Kenya (SAWIRRO)

    ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa baadigoob ugu jira Libaaxyo ka soo baxsaday Xarunta Xanaanada Duur joogta ee dalka Kenya, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay Lix libaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa baadigoob ugu jira Libaaxyo ka soo baxsaday Xarunta Xanaanada Duur joogta ee dalka Kenya, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay Lix libaad.

Libaaxyadan ayaa shalay oo Jimco aheyd, waxa ay ka baxsadeen Xarunta Duurjoogta ee dalka Kenya, waxaana la aaminsan yahay inay u baxsadeen Dhulka Kaymaha ah ee duleedka Nairobi.

Magaalada waxaa ka jirta Cabsi la xiriirta in Libaaxyada ay soo galaan xaafado ka mid ah gudaha Magaalada, kadibna halkaasi ay dadka ku dhibaateeyaan.

Telefishinada magaalada Nayrobi ayaa xalay laga daawanayay askar baadi goob ugu jira Libaaxyada baxsaday oo ah kuwo qatar ah.

Ciidamada Booliska ee baadigoobka libaaxyadan wata ayaa lagu arkayaa Duleedka Magaalada Nairobi, iyaga oo la garwaaxsan Hub si ay u soo qabtaan Libaaxyada.

Maamulka duurjoogta ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii loo heli lahaa libaaxyadan, ayadoo laga codsaday inay ku soo wargeliyaan mas’uuliyiinta haddii ay arkaan Libaaxyada.

2

3

4

15






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip