Jubbaland oo soo bandhigtay ninkii ka dambeeyay Qaraxii lagu xiray Gaariga Macalin Maxamed (VIDEO)

0
Saturday February 20, 2016 - 10:19:31 in Wararka by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo soo bandhigtay ninkii ka dambeeyay Qaraxii lagu xiray Gaariga Macalin Maxamed (VIDEO)

    Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland, ayaa Magaalada Kismaayo, waxa ay ku soo bandhigeen ninkii ka dambeeyay Qaraxii lagu xiray gaari uu leeyahay Wasiirka Arimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Macalin Maxamed oo 17-kii Bishan gaarigiisa miino loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland, ayaa Magaalada Kismaayo, waxa ay ku soo bandhigeen ninkii ka dambeeyay Qaraxii lagu xiray gaari uu leeyahay Wasiirka Arimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Macalin Maxamed oo 17-kii Bishan gaarigiisa miino loogu xiray.

Ninka Qaraxa ku xiray Gaariga oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Khadar, ayaa waxaa adeer u ah Wasiirka Arimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Macalin Maxamed, hayeeshe wuxuu ka tirsanaa Ninkaan Kooxda Shabaab oo wada shaqeyn hoose uu la lahaa.

Cabdi Khadar oo ka sheekeeyay qaabka gaariga uu qaraxan uu ugu xiray, ayaa sheegay in Miinada loo keenay Afar Saac Subaxnimo, islamarkaana uu ku xiray gaariga Sideed Saac Galabnimo.

Cabdi Khadar, ayaa sheegay in Shabaabka ay u balan qaadeen lacag badan inay siinayaan, hadii uu ku guuleysto in Qaraxa uu si wanaagsan ugu xiro gaariga Wasiirka.

Waxa uu sheegay nin ka tirsan ciidamada Booliska Jubbaland oo isagana wada shaqeyn la leh Ururka Al Shabaab uu u yimid uuna weydiiyay in gaariga uu ku xiray Qaraxa, kadibna uu u sheegay inuu ku xiray Qaraxa, waxaana Cabdi Khadar loogu tuuray Moobeelkiisa lacag dhan $50 Doolar.

Tani ayaa muujinaysa in Shabaabka ay adeegsadaan dadka ka agdhaw Wasiirada iyo masuuliyiinta, ayna u balan qaadaan inay siinayaan qarash badan si ay u fuliyaan falka Shabaab ay doonayaan.

 

Xigasho:-Dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip