Hoggaamiyihii shabakadaha tahriibka Liibiya (Ma gafe) oo la khaarajiyay

0
Monday September 28, 2015 - 11:59:08 in Wararka by
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyihii shabakadaha tahriibka Liibiya (Ma gafe) oo la khaarajiyay

    Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaaciyay in la khaarajiyay Salah Al-Maskhout oo ahaa hoggaamiyihii shabakadaha tahriibka ee Soomaalida u taqaano (Ma Gafe), xilli uu ku sugnaa goobo uu ka baadi goobayay tahriibayaal meelo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaaciyay in la khaarajiyay Salah Al-Maskhout oo ahaa hoggaamiyihii shabakadaha tahriibka ee Soomaalida u taqaano (Ma Gafe), xilli uu ku sugnaa goobo uu ka baadi goobayay tahriibayaal meelo kale ka gelaya dalka Liibiya. Salah Al-Maskhout ayaa la sheegay in maalintii Jimcaha uu ku geeriyooday weerar qorsheysan oo lagu soo qaaday isaga iyo ilaalo la socotay xilli uu ku guda jiray baaritaanada waddooyin cusub oo maalmihii ugu dambeeyay tahriibayaasha adeegsanayeen.

magafe2

Wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 8-ka tirsan ilaalada Ma Gafe, iyadoo dagaalkana uu ka dhacay xuduuda Liibiya iyo Suudaan u dhaxeysa, iyadoo la sheegayo in weerarka ay ka dambeeyeen maleeshiyo hubeysan oo aan la sheegin heybtooda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Talyaaniga ee ku sugan xeebaha Liibiya ayaa sheegay in Al-Maskhout uu ku geeriyooday weerar lagu qaaday, inkasta oo qaraabadiisa ay sheegayaan inuu ka badbaaday weerarkaasi.

Lama oga ilaa iyo iminka in weerarka lagu qaaday Ma Gafe uu qeyb ka yahay weerarada ciidamada la dagaalanka tahriibka ay ka dambeeyeen iyo in kale, hase yeeshee wararku waxay intaasi raacinayaan in weerarkaasi ay ka dambeeyaan maleeshiyo xiriir la leh ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha ku teedsan biyaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Liibiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip