Kulan caawa Golaha Wasiirada ku magacaabi lahaayeen illaa 12 Safiir oo dib u dhacay

0
Friday February 19, 2016 - 23:09:15 in Wararka by
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan caawa Golaha Wasiirada ku magacaabi lahaayeen illaa 12 Safiir oo dib u dhacay

    Kulan aan caadi aheyn oo lagu waday inay caawa yeeshaan Golaha Wasiirada ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo kulankan loogu gol lahaa in lagu magacaabo Illaa 12 Safiir oo dowladda Soomaaliya u matali lahaa dalal ku yaala Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan aan caadi aheyn oo lagu waday inay caawa yeeshaan Golaha Wasiirada ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo kulankan loogu gol lahaa in lagu magacaabo Illaa 12 Safiir oo dowladda Soomaaliya u matali lahaa dalal ku yaala Caalamka.

Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Jowhar.com Xukuumadda iyo Madaxtooyada ayaa maalmihii u dambeeyay waday qorshayaal safiiro loogu magacaabayo dalal dhowr ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay soo jeedisay Safaaradaha is bedelada lagu sameynayo iyo xubnaha loo magacaabayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid kulankan ay salka ku heyso, is qab qabsi ka jira Safiirada qaar iyo in wali ay u baahan tahay wada tashi, inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda intooda badan safiirada soo gudbisay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa kala bedel lagu sameynayo Safaaradaha qaar iyo safiiro cusub oo la doonayo in loo magacaabo Safaaradaha dalal ku yaalla Qaaradaha Yurub, Asia iyo Africa.

Madaxda dowladda ayaa la sheegay in qudhooda wali isku fahmi la’yihiin Safiirada qaar iyo dalalka la geynayo, waxaana ka marneyn shaqsiyaad loo kala wado safaaradaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Safaaradaha is bedelka lagu sameynayo ay ka mid yihiin Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait, Safaaradda Masar oo dhowaan uu ka geeriyooday Safiirkii joogay, Kuuriyada Koofureed, Turkiga, Itoobiya iyo kuwo kale oo aan inoo suura gelin inaan magacyadooda helno.

Safaaradaha sida deg degta ah is bedelka lagu sameynayo ayaa waxaa ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo bartamihii sanadkii hore loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo la sheegay inuu boorsooyinkiisa ka soo xir-xirtay Turkiga, isla markaana uu damac kale oo siyaasadeed ku jiro.

Waxaa kaloo lagu wadaa in Safiir cusub loo magacaabo Safaaradda Soomaaliya ee magaaladaAddis Ababa, oo xilkaas sanad ka hor isaga tagay Amb, Axmed Cabdisalaan, waxaana jagada hayay qof Si Haye ah.

Sidoo kale waxaa iyana soo baxaya warar sheegaya in Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika loo magacaabi rabo C/fataax Xasan Afrax Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, iyadoo wararkan uu ahaa mid maalmihii la soo dhaafay soo xoogeysanayay.

Lama oga xilliga iyo goorta lagu dhawaaqi doono Safiiradan cusub, iyadoo lagu wado in maalinta berri lagu wado inay dalka ka ambabaxaan Ra’iisul Wasaaraha, xubno Wasiiro ah iyo Mas’uuliyiin kale oo ku wajahan magaalada Istanbul, halkaasoo uu ka furmayo shirka lagu saxiixi doono nooca doorasho ee sanadkan 2016 ka dhici doono Soomaaliya.

XIGASHO:-JOWHAR.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip