Sawirro:-Madaxweynaha Puntland Oo Dib Ugu Laabtay Boosaaso,Kadib Safarkii Kismaayo

0
Thursday October 17, 2019 - 19:43:18 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynaha Puntland Oo Dib Ugu Laabtay Boosaaso,Kadib Safarkii Kismaayo

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu laabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kadib Safarkii maalmihii la soo dhaafay uu ku sugay Magaalada Kismaayo. Madaxweyne Deni iyo wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu laabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kadib Safarkii maalmihii la soo dhaafay uu ku sugay Magaalada Kismaayo. Madaxweyne Deni iyo wafdigii la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan halkaas. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uga qeyb galay Xaflada Caleemo-saarkii Mdaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,isagoona kamid ahaa Madaxdii lagu Casuumay Xaflada.

Madaxweynaha Puntland intii uu ku sugnaa Kismaayo waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay wafuudii ku sugneyd Kismaayo,isla markaana la qaatay shirar wadatashi oo looga hadlay arrimaha siyaasadda.Sidoo kale Saciid Deni ayaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ka soo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland,waxaana halkaas ka soo qaaday diyaarad qaas ah oo ka dejisay Magaalada Boosaaso.

     




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip