Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay Go'aanka Ay Gaartay Maxkamadda ICJ

0
Thursday October 17, 2019 - 19:37:53 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay Go'aanka Ay Gaartay Maxkamadda ICJ

    Kadib markii galabta Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ay dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arrintaasi war ka soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya. Ku-Simaha Ra'iisul Wasaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii galabta Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ay dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arrintaasi war ka soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya. Ku-Simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in dowladdu oggoshahay go'aanka ka soo baxay Maxkamadda ICJ oo noqon doona mid kama dambeys ah.

 
Sidoo kale Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u aheyd in 4-da Bisha November ee sanadkan la dhageysato dhageysiga dacwada badda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo markii horey ICJ labad bilood ay ku dartay dhageysiga Kiiskaas.

Maxkamadda ICJ ayaa galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12 ee Sanadka 2020-ka,Maxkamadda ICJ ayaa go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga Maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip