DEG DEG: Maxkamadda ICJ oo mar labaad dib u dhigtay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

0
Thursday October 17, 2019 - 19:23:14 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Maxkamadda ICJ oo mar labaad dib u dhigtay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

    Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya, sida uu goor dhow xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi. Maxkamadda ICJ ayaa galabta go'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya, sida uu goor dhow xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi. Maxkamadda ICJ ayaa galabta go'aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya laga dhigo June 8-12 ee sanadka 2020. Maxkamadda ayaa go'aankeeda ku caddeysey in go'aankaana u yahay mid kama dambeys ah oo mar dambe aan dib loo dhigi doonin. Waxay sheegtay inay fileyso in 2da waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkamadda.

     Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda oo mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid ka dib markii ay Kenya mar 2aad codsatay dib u dhigista.

Jadwalkii hore ee maxkamadda u dejisay dhageysiga dacwaddaasi oo  ahaa 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta Bisha November ka dib codsi ka yimid Kenya.

    Si kastaba  ha ahaatee Dowladda Kenya ayaa dhowr toddobaad ka hor mar kale codsatay in kiiska dib loo  sii  dhigo, taasi oo dhalisay go’aankana cusub ee galabta soo baxay.

Dowlada Soomaaliya ayaa 2da goorba diiday in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee maxkamadda ayaa tix-gelisat codsiga Kenya. Galabtana shaacisay in ay dib u sii dhigtay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip