Siyaasiyiinta Kenya oo dowladdda Kenya ka dalbaday in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya

0
Thursday October 17, 2019 - 19:00:19 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta Kenya oo dowladdda Kenya ka dalbaday in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya

    Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadweynaha dalka Kenya, ayaa dalbanaya in Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya laga soo saaro. Siyaasiga lagu magacaabo Boni Khalwale, oo horey Senator uga soo ahaa Aqalka Sare ee Kenya ayaa ugu baaqay Madaxw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadweynaha dalka Kenya, ayaa dalbanaya in Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya laga soo saaro. Siyaasiga lagu magacaabo Boni Khalwale, oo horey Senator uga soo ahaa Aqalka Sare ee Kenya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, in ciidamada Kenya laga soo saaro dalka Soomaaliya. Boni Khalwale, ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay 8 Sano ah ku jiraan gudaha Soomaaliya islamarkaana sababihii ay u galeen aan wax natiijo ah laga gaarin.
Siyaasiga ayaa sheegay in sababta ciidanka Kenya u galeen Soomaaliya ay aheyd in al-Shabaab laga fogeeyo dhulka dalxiiska Kenya, balse hadafka lagu fashilmay oo ay weli socdaan weerarada al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

Boni ayaa ku baaqay in ciidamada Kenya lagu soo celiyo sohdinta halkaasna lagala socdo dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.


Ciidamada Kenya ayaa gudaha Soomaaliya sharci darro ku soo galay sanadkii 2011-kii waxaana laba sano kaddib ay ku biireen Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM.
Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo xumaanayay muddooyinkii u dambeeyay iyadoo ay Dowladda Kenya ay muddo laba jeer ah jabisay amarro ay Dowladda Soomaaliya ka soo saartay oo la xiriiray duulimaadyada tooska ah ee Kenya ka yimaada ee aada magaalada Kismaayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip