Wasiir Beyle oo la kulmay madax ka tirsan Bangiga Aduunka

0
Thursday October 17, 2019 - 09:40:51 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle oo la kulmay madax ka tirsan Bangiga Aduunka

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu la kulmay koox ka socotay Bangiga Aduunka, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Xubnaha ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu la kulmay koox ka socotay Bangiga Aduunka, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Xubnaha ayaa waxaa hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Bangiga ee Qaarada Afrika Hafze Ghanem,waxana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda dalka Soomaaliya. "Waxaan la kulanay koox ka socotay Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay #Hafze_Ghanem oo ah Madaxweyne ku xigeenka Bangiga ee Qaarada Afrika.Arimo badan oo aan ka wadahadalnay kadib waxaan isla garanay in aan sameynay horumar balaaran oo ah hagaajinta nidaamka Maaliyadda ayuu yiri" Wasiir Beyle. Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay kala Shaqeynta Bangiga Aduunka dhamaan horumarka Somaaliya ee dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda dalka. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Magalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa uu u joogaa ka qeyb-galka shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey'adda lacagta adduunka (IMF).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip