Xubin Kamid Ah Guddiga Madaxa Banaan Ee Xuduudaha Hirshabeelle Oo Is Casilay

0
Wednesday October 16, 2019 - 21:21:24 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubin Kamid Ah Guddiga Madaxa Banaan Ee Xuduudaha Hirshabeelle Oo Is Casilay

    Maxamed Abshir Nuur oo kamid ahaa Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii uu ahaa Guddigaas. Maxamed Abshir Nuur oo Shir Jaraa'id ku qabtay Degmada Balcad ee Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Abshir Nuur oo kamid ahaa Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii uu ahaa Guddigaas. Maxamed Abshir Nuur oo Shir Jaraa'id ku qabtay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu sheegay in Magacaabistii uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle uusan kala sameyn wadatashi,isla markaana waxaa uusan ka ogeyn magacaabistaas. Dhinaca kale Magacaabista Guddiga Xuduudaha Hirshabeelle ayaa waxaa ka horyimid qaar ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.Sidoo kale Maxamed Abshir Nuur ayaa waxaa uu tilmaamay inuusan dooneyn kamid ahaansha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee uu magacaabay Wasiir Maxamed Cali Caadle. Si kastaba Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa lagu magacaabay ahaa Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha maamulkaas,kuwaasi oo laga soo kala xulay deegaanada Hirshabeelle.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip